“Yaa ii soo celiya Hooyaday?” Liibaan iyo Qiso Cajiib ah!

Hooyo iyo Wiilkeed
Hooyo iyo Wiilkeed

Liibaan ayaa ku warramay sida tan; “Magacaygu waa liibaan, da’daydu waa 35, waan dareemayaa inaad i danaynaysaan, balse nafta igu jirta waan nacay, anigaa go’aansaday inaan is dilo, maan filanayn in aan badbaadayo, hayeeshee quus baan taaganahay, uma malaynayo inaan sii noolaan doono.”

Hooyo iyo Wiilkeed
Hooyo iyo Wiilkeed

Liibaan wuxu ka sheekeynayaa sababta dilka ku kelliftay; “Hooyo Maymuun keligay bay i dhashay. Dhagta ayaan ka maqlay in Aabbahaay shil baabuur ku dhintay anoo caloosha hooyaday ku jira. Ehel iyo ciirsi kale midna maan haysan ee Hooyaday ayaa isoo korisay. Sida aan maqlay Dhul miyi ah ayaan ku dhashay, abaaro ba’an oo dhacay kadib ayey Hooyo xagga magaalooyinka usoo qaxday. Waan xasuustaa noloshii adkayd, rafaadkii iyo silicii ay ila soo martay hooyo.

Arday baan noqday, waan waynaaday, gabadh baa la ii dhisay, waan furay tu kalaa… intaa kadib liibaan wuu aamusay. Khadra oo ahayd hooyo maymuun saaxiibaddeed ayaa hadalka sii wadday;
“Wali maan arag Hooyo lamid ah Maymuun,7 sanno ayaa laga soo xaaqayey caruur, markii 8aad ayey si dhib leh ku dhashay wiilkan. Saq-dhexe ayey foolatay, xanuun bay la miyir beeshay, kaligay baa buul yar kula jira, waxaan u qaatay inay naftuba ka gurmayso, saxariir bay ku umushay wiilkan, wiilka qudhiisa mayd ahaan ayaan meel u dhigay markaan naqasba ka waayey, naqas baa kasoo booday wiilkii, umushii khalaaska ahayd markay maqashay sanqadha wiilkeeda ayey wayraxday oo way ku dhagtay.

Asxaab xun ayuu raacay, dhaqamo xun ayuu bartay. Hooyadii wuu dhibay. Waxaan xasuustaa isagoo sikhraansan oo damacsan inuu hooyadii dilo, dirqibaa lagaga qabtay, intaa waxay maymuun leedahay “ala hooyo inankaygiiyoow ha i dilin” wuxu ka rabaa lacag, tiraba dhawr jeer ayuu sidaa yeelay.
Khadra oo hadalka sii wadda ayaa tidhi; habeen madow oo gudcur ah, dhaxan badani dhacayso, roob badan da’ayo, ayaa albaabka laygu soo garaacay, waan furay, waa hooyo maymuun oo roobku qooyey, dhaxan darteed ilkaha isla dhacaysa, gaajo darteedna hadli kari la’ islamarkaa xanuusanaysa.

(#hooyadu_qiimo_badanaa hadduu ilmeheegu xunyahay iyo hadduu wacan yahayba way jeceshahay)

Waxay ii sheegtay inay galabnimadii tagtay guriga wiilkeeda. Waxay aragtay gabadh aanay garanayn oo joogta guriga wiilkeeda, iyadoo yaabban ayuu saqbadh habeennimo soo hoyday isagoo hoggaaminaya dhawr dhallinyaro ah oo wada asqaysan. Markay weydiisay dadkan iyo waxay yihiin, ayuu si axmaqnimo ah dibedda ugu soo tuuray Hooyadii, intaa way baryeysaa “ala hooyo roob baa da’aya, ala hooyo waan dhaxmoonayaa, ala hooyo waan baqanayaa, ala hooyo waan xanuusanayaa…” umuu joojine albaabka ayuu kasoo xidhay.

Liibaan gabadh xun, ayaa kaxaysatay oo magaalo kale la tagtay. Maamo Maymuun way baadi doontay wiilka ay dunida ka eegato, muddo dhawr bilood ah ayey baadi goobaysay, daraaddii ayey u soomal-haadday, ma nasato, ma daasho, ma damqato, cunto uma dhadhanto, ilaa ay indhaha saarto wiilkeega ma joogsanayso. Ilayn waa naflaye tamartii baa ka dhamaatay, hooyo maymuun dariiqa ayey ku dhacday. Dad baa kusoo ururay oo afka biyo kaga shubaya, hadal ay tidhaahdo waxa u dambeeyey “wiilkayga iga gaadhsiiya inaan jeclahay”

(Khadra way ilmaynaysaa, inta dhagaysanaysaana oohinta way isku celinayaan oo indhohooga ilmaa buixisay), weli way sii waddaa sheekada, dhexmartay iyada iyo Liibaan, waxaanay tidhi;

“Liibaan sidii caadada ahayd markuu lacag waayo xagga Hooyadii ayuu usoo ordi jiray, isagoo maqiiqan ayuu guriga yimid, markuu waayey ayuu aniga ii yimid isagoo cadhaysan, “meeday islaantii i dhashay?” Ayuu i waydiiyey isagoo iska cadhaysiinaya.
“Waar hooyadaa goormaa kuugu dambaysay?” Ayaan su’aalay;
“Waxba kaamay galine meeday islaantu?” Ayuu iigu jawaabay.
“Innamari halkay joogto anaa ku gayne” ayaan ku idhi oo wuu isoo raacay.
Isagoo sida ayga ii daba halaqsanaya ayaan meel cidlo ah joojiyey, intaan dhulka farta ugu fiiqay ayaan ku idhi “Yaa iisoo celiya hooyaday”

Liibaan ayaa ku warramay sida tan;

Magacaygu waa liibaan, da’daydu waa 35, waan dareemayaa inaad i danaynaysaan, balse nafta igu jirta waan nacay, anigaa go’aansaday inaan is dilo, maan filanayn in aan badbaadayo, hayeeshee quus baan taaganahay, uma malaynayo inaan sii noolaan doono.
Liibaan wuxu ka sheekeynayaa sababta dilka ku kalliftay;

Hooyo maymuun kaligay bay i dhashay. Dhagta ayaan ka maqlay in aabahay shil baabuur ku dhintay anoo caloosha hooyaday ku jira. Ehel iyo ciirsi kale midna maan haysan ee hooyaday ayaa isoo korisay. Sida aan maqlay Dhul miyi ah ayaan ku dhashay, abaaro ba’an oo dhacay kadib ayey hooyo xagga magaalooyinka usoo qaxday. Waan xasuustaa noloshii adkayd, rafaadkii iyo silicii ay ila soo martay hooyo.

Arday baan noqday, waan waynaaday, gabadh baa la ii dhisay, waan furay tu kalaa… intaa kadib liibaan wuu aamusay. Khadra oo ahayd hooyo maymuun saaxiibaddeed ayaa hadalka sii wadday;
“Wali maan arag hooyo lamid ah maymuun,7 sanno ayaa laga soo xaaqayey caruur, markii 8aad ayey si dhib leh ku dhashay wiilkan. Saq-dhexe ayey foolatay, xanuun bay la miyir beeshay, kaligay baa buul yar kula jira, waxaan u qaatay inay naftuba ka gurmayso, saxariir bay ku umushay wiilkan, wiilka qudhiisa mayd ahaan ayaan meel u dhigay markaan naqasba ka waayey, naqas baa kasoo booday wiilkii, umushii khalaaska ahayd markay maqashay sanqadha wiilkeega ayey wayraxday oo way ku dhagtay.

Asxaab xun ayuu raacay, dhaqamo xun ayuu bartay. Hooyadii wuu dhibay. Waxaan xasuustaa isagoo sikhraansan oo damacsan inuu hooyadii dilo, dirqibaa lagaga qabtay, intaa waxay maymuun leedahay “ala hooyo inankaygiiyoow ha i dilin” wuxu ka rabaa lacag, tiraba dhawr jeer ayuu sidaa yeelay.
Khadra oo hadalka sii wadda ayaa tidhi; habeen madow oo gudcur ah, dhaxan badani dhacayso, roob badan da’ayo, ayaa albaabka laygu soo garaacay, waan furay, waa hooyo maymuun oo roobku qooyey, dhaxan darteed ilkaha isla dhacaysa, gaajo darteedna hadli kari la’ islamarkaa xanuusanaysa.

(#hooyadu_qiimo_badanaa hadduu ilmeheegu xunyahay iyo hadduu wacan yahayba way jeceshahay)

Waxay ii sheegtay inay galabnimadii tagtay guriga wiilkeega. Waxay aragtay gabadh aanay garanayn oo joogta guriga wiilkeega, iyadoo yaabban ayuu saqbadh habeenimo soo hoyday isagoo hogaaminaya raxan dhalin ah oo wada asqaysan. Markay waydiisay dadkan iyo waxay yihiin ayuu si axmaqnimo ah dibadda ugu soo tuuray hooyadii, intaa way baryeysaa “ala hooyo roob baa da’aya, ala hooyo waan dhaxmoonayaa, ala hooyo waan baqanayaa, ala hooyo waan xanuusanayaa…” umuu joojine albaabka ayuu kasoo xidhay.

Liibaan naag xun ayaa kaxaysatay oo magaalo kale la tagtay. Maamo maymuun way baadi doontay wiilka ay dunida ka eegato, muddo dhawr bilood ah ayey baadi goobaysay, daraaddii ayey u soomal-haadday, ma nasato, ma daasho, ma damqato, cunto uma dhadhanto, ilaa ay indhaha saarto wiilkeega ma joogsanayso. Ilayn waa naflaye tamartii baa ka dhamaatay, hooyo maymuun dariiqa ayey ku dhacday. Dad baa kusoo ururay oo afka biyo kaga shubaya, hadal ay tidhaahdo waxa u dambeeyey “wiilkayga iga gaadhsiiya inaan jeclahay”

(Khadra way ilmaynaysaa, inta dhagaysanaysaana oohinta way isku celinayaan oo indhohooga ilmaa buixisay)

Liibaan sidii caadada ahayd markuu lacag waayo xagga hooyadii ayuu usoo ordi jiray, isagoo maqiiqan ayuu guriga yimid, markuu waayey ayuu aniga ii yimid isagoo cadhaysan, “meeday islaantii i dhashay?” Ayuu i waydiiyey isagoo iska cadhaysiinaya.
“Waar hooyadaa goormaa kuugu dambaysay?” Ayaan su’aalay
“Waxba kaamay galine meeday islaantu?” Ayuu iigu jawaabay.
“Inamari halkay joogto anaa ku gayne” ayaan ku idhi oo wuu isoo raacay. Isagoo i daba halaqsanaya, ayaan meel cidlo ah joojiyey, intaan dhulka farta ugu fiiqay ayaan ku idhi “Halkaasay ku jirtaa Hooyadaa!” waa xabaal dusheed.”

aftahanmursal@gmail.com 

Aftahannews/Ritters 

Aftahannews.com.