Maraykanka oo Baadhaya Gabadh Saldhig Hawada sare ah ku jabsatay Baanka Ninkeedii hore!

Haweenay hawada sare ku jabsatay Baanka Ninkeedii hore
Haweenay hawada sare ku jabsatay Baanka Ninkeedii hore

Hawada (aftahannews):- Hay’adda howlaha hawada sare u qaabbilsan Mareykanka ee Nasa, ayaa lagu warramay inay baadhitaan ku billawday sheegasho ku aaddan in Haweeney tagtay saldhigga caalamiga ah ee hawada sare ay jabsatay bangi uu leeyahay nin ay hore xaaskiisa u ahayd’.

Haweenay hawada sare ku jabsatay Baanka Ninkeedii hore
Haweenay hawada sare ku jabsatay Baanka Ninkeedii hore

Haweeneydan oo lagu magacaabo Anne McClain ayaa qiratay inay koontada bangiga furtay iyadoo ku sugan saldhigga ISS, balse waxay beenisay inay wax khaldan sameysay, sida uu shaaciyay wargeyska New York Times.

Ninka ay kala tageen gabadhan, oo lagu magacaabo Summer Worden, ayaa lagu soo warramay inuu cabasho u gudbiyay waaxda ganacsiga ee federaalka Mareykanka.

Ms McClain ayaa kasoo noqotay hawada sare, waxayna hadda ku sugan tahay dhulka.

Iyadoo adeegsaneysa qareenkeeda ayey u sheegtay wargeyska New York Times inay hubineysay oo kaliya in bangiga ninkeedii hore ay ku jirto lacag ku filan howlaha qoyska, maadaama isaga laga rabo inuu bixiyo qarashka ku baxa reerka iyo lacagaha lagu xannaaneynayo wiilka ay dhashay.

Qareenkeeda ayaa yiri: “Waxay si xooggan u dafirtay inay sameysay wax sharciga kasoo horjeeda”.

Ms McClain iyo Mr Worden, oo ah sarkaal ka tirsan sirdoonka ciidamada cirka ayaa isguursaday sanadkii 2014-kii.

Mr Worden ayaa furriin dalbaday sanadkii 2018-kii, xilligaas oo ay isla korinayeen cunugooda yar.

Dambi baareyaasha hay’adda Nasa, ayaa xiriir la sameeyay labadooda, waxayna wax ka weydiiyeen eedeymaha lasoo jeediyay, sida uu sheegay wargeyska New York Times.

.Lahaanshaha sawirka NASA
Saldhigga hawada sare

Sidee ayuu sharciga uga shaqeeyaa hawada sare?

Waxaa hawada sare ku yaalla shan saldhig oo caalami ah, kuwaasoo ay kala leeyihiin Mareykanka, Canada, Japan, Ruushka iyo dhowr dal oo Yurub ka tirsan.

Dhammaantood waxaa la xaqiijiyay in uu si toos ah uga hirgalo sharciga qaranka ee uu leeyahay dal kasta, qof walba oo khalad halkaas ku sameeyana wuxuu la mid yahay sida sida qof dhulka jooga.

Sidaas awgeed, haddii qof u dhashay dalka Canada uu dambi ku sameeyo saldhigga hawada sare, waxaa la waafajinayaa sharciga Canada, haddii qof u dhashay Ruushka uu dambi ku galo isla halkaasna waxaa la waafajinayaa sharciga ka jira dalka Ruushka.

Xigasho BBCSomali.com.