Ninkii Xildhibaan Qabille Rasaasta Ku Furay oo markii ugu horreysay Warbaahinta u warramay qirtayna inuu Booliska ka tirsanaa

“Waxaan Ku Idhi Waar Dhaqan Ayaynu Lahayne Maad Inaga Daysid Odayga Inanta Inaga Qaba Ilayn Garta Ayaaba La Inaga Heli Doonaaye….”

“Waxaan Arkay Isaga Oo Baastoolad Uu Cabaystay Iila Soo Dagay, Ana Markii Aan Arkay Isaga Oo Soo Laalaadsanaya Ayaan Baastoolad Aan Hayey La Soo Baxay Oo Aan Xabad Kor Ugu Riday” Tabaarik Maxamed Ducaale

 Ninka Xildhibaan Qabille toogtay oo la waraysanayo2

Hargeysa, October 23, 2013 (Aftahannews/Haatuf):- Tabaarik Maxamed Ducaale oo ah ninkii habeen hore Xaafada Jig-jiga yar ee Magaaladda Hargeysa ku Rasaaseeyey Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ka waramay sababta uu Xildhibaankaas u Weeraray, kaas oo sheegay inuu Qabile la kaftamay isla markaana markii hadalkii ka xumaaday uu Xildhibaanku Baastoolad ula soo baxay, isaguna uu isku difaacay Baastoolad uu haystay laba xabo oo Rasaas ahna uu kor ugu riday Mudane Qabile. Mr Tabaarik waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu Xalay Wargeyska Haatuf siiyey, kaas oo ka cudur-daartay in la shaaciyo goobta uu ku sugan yahay, isagoo dhacdadaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan Warbaahinta ku arkay Arrimo yaableh oo la buun-buuniyey oo siyaabo kale loo dhigay oo aan  Xaqiiqna ahayn run ahaantii, Anagu Xildhibaan Qabile isku xisbi ayaanu ahayn oo UCID ayaanu wada ahayn, taas ka sokowna waxa jira Xisbi ka wayn waxaas oo dhan oo Reer-nimo la yidhaahdo. Hadii aan kuu dulmaro sida ay wax u dhaceen Xildhibaanka waxaanu xalay fiidkii isku aragnay Magaaladda Hargeysa waxaanu watay baabuur aniguna baabuurkayga ayaan watay oo waan ka danbeeyey, markaas hada garo oo anigu mabaan garanaynin markaas ayaan dhinac istaagay markii aan gartay ayaan Salaamay, markaas ayaa nin Koonaha isaga ka xigay oo isaguna ka mid ah dadka aanu aadka isku naqaano ayaan isna Salaamay markaasaan ku idhi waaryaadaheen bal warama?, markaas ayaan ku idhi oo kaasi kumuu ahaa oo nin kale ayaaban moodayey anigu waxa uu yidhi waa Xildhibaan Qabile oo waxaan ku idhi Waar Xildhibaan bal iska waran ayuu Nabad iyo Khayr iigu jawaabay, markaas ayaan ku idhi dee Xildhibaan imika bahashii Mucaaridada ahayd hoos baad ula yar dhaadhacday , waxaan intaas u raaciyey waar Hablo ayeynu leenahay dhaqana waynu lahayne Shaqsi Weerarka (personal attack) maad iska dayside oo aad inaga daysid raga Odayada ah ee Hablaha inaga qaba ilayn garta ayaaba suuqa la inagaga heli doonaaye. Intaas marka aan marinayo ayaa iyada oo labadayada baabuur si siman u isku barbar taagan yihiin oo laba Isteerin ayaanu kala haysanaa hada ee ma garatay ayaa markii aan intaas idhi inta uu Xafaraad igaga dhaqaaqay ilaa meel 50 Mtr ii jirta ayuu degdeg daaqadii baabuurkiisa iskaga soo furay waxaan arkay isaga oo Baaskoolad uu cabaystay oo uu iila soo dagay aniga ayaa markii aan arkay isaga oo soo laalaadsanaya ayaan anigu markaas Baaskoolad aan hayey aan la soo baxay oo aan Xabad kor ugu riday, markaas ayuu Orod is idhi dabadeed wuu Kufay oo Baaskooladiisii ayaa ka dhacday, aniguna Reefas ayaan u dhaqaaqay oo Laydhkii baabuurkayga ayaa haya isaga oo sii guur-guuranaya ayaan hadana anigoo dib u socda aan Xabad 2-aad kor u riday”.

S: Waxa jira oo suuqa ku jirta in Weerarka aad Xildhibaanka ku qaaday uu ahaa mid Siyaasadaysan oo cid kaa danbaysay, mase la odhankaraa maadaama oo Xildhibaanku aad u dhaliili-jiray Xukuumadda Siyaasiyiin ka tirsan ayaa ku soo adeegsatay?

J: Mucaaridka aniga iyo isaguba waanu wada ahayn, Mucaaridnimaduna in la is caayo maahe, xukuumadda dhaliisheeda in Mucaaridku sheegaana waa mid loo baahan yahay laakiin Arrintaasi sida uu u sheegay maaha oo wax Siyaasad ah oo uu la xidhiidhaa falkaas na dhexmaray ma jirto, Xildhibaankana Ilmaadeer ayaanu nahay oo aniguna ma ahi nin la adeegsado, dadka wararkaas faafinayana waxaan leeyahay waar  iska hubsada. Mida kale hadii Xaalad la waayo oo labada qof ee meel ku murmaba la yidhaahdo Xaalad ka dhiga waa Mushkilad, laakiin nidaamka wax noo dhexmaray sidaas ayuu ahaa oo waano waanu isku lahayn oo isaguna wuu i waanin jiray aniguna waan waanin jiray oo dad aad iskugu dhaw ayaanu ahayn.

S: Waxaad sheegtay inaad Rasaasaysay adigu Xidlhibaan Qabile oo aad laba Xabadood ku riday, miyaanu Weerarkaasi noqonaynin Isku Day dil?

J: Lama odhan karo Naasirow, Xildhibaanku maadaama oo uu ii cadaystay inuu Xabad igu dhufto waxaan leeyahay oo muuqata inaan anigu ahaa nin isdifaacayey wakhtigaas, mida kale maadaama oo aan nahay laba nin oo si fiican isku garanaya oo Ilmaadeer ah anigu waxaan odhankaraa Xildhibaanku sidii aan ku aqaanay ma ahe tolow maxaa ka khaldan sababta oo ah waxa uu u muuqdaa nin Xaalad abuuraya.

S: Waxa jira warar sheegay inaad tahay nin Ciidanka ka tirsa, arintaasi ma jirtaa?

J: Walaal run ahaantii taasi waa mid iska cad oo anigu wakhti aan Ciidanka Bilayska ka tirsanaa way jirtay laakiin imika ma ahi Ciidanka oo waxaan ahay nin shacab ah.

S: Ninka uu sheegay inuu soo weerar Xildhibaanku ee Magaciisa la shaaciyey ma adigaa?

J: Haa waa aniga ninka uu sheegay laakiin sida uu wax u sheegay ayaan xaqiiqo ahayn.

S: Mr Tabaarik adigu imika waxkasta oo dhacay siday doonaan ha u dhacaane adigu ma isku haysataa nin Dambiile ah oo sharciga in la horgeeyo waajib yahay?

J: Su’aashaada hadii aan si fudud uga jawaabo, qofkasta oo Binu-Aadam ahi marka la soo weeraro waxa uu markaas gacanta ku hayo ayuu isku difaaca oo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile isaga ayaa igaga horeeyey Baaskoolada oo iila soo baxay oo wax aan ka filayeyna may ahayn, waxkasta oo la sheegaana xaqiiqada ayey soo fadhiisan doonaan oo intaas waan ku idhi, waano-na sida aan sheegay waanu isku leenahay oo rag Ilmaadeer ah ayaanu nahay oo Hablahayaguna waa la mid hablaha kale ee reer Sheekh Isaxaaq oo Xidid-nimadu qiimaha ay leedahay ayuu nala leeyihiin, laakiin arin kale iyo wax kale oo na dhexyaalay toona ma jirto oo waa Inaadeerkay oo Tol-baanu leenahay oo waa naloo garnaqi hadii aan anigu yeesho khaladkana diyaar ayaan u ahay in Madaxa la ii saaro laakiin anigu nin naftiisa bad-baadinayey ayaan ahay oo Shil ku dhacay oo waxay ahayd inaan anigu Shir-qoolka sheegto oo maan odhanin taasna maadaama oo aanay wax godob ahi na dhex oolin XIldhibaanka.

S: Waa Ayo qofkan aad sheegtay inuu Xididka idinla yahay ee aad Xildhibaan Qabile leedahay wuu ku khaldamay?

J: Waa Madaxwaynaha Somaliland oo run ahaantii ummadda oo dhan Madaxwayne u ah laakiin run ahaantii aan leeyahay waar Inaadeer Madaxwaynaha iyo Xukuumadiisa dhaliishooda si qurux badan u sheeg balse iska daa Shaqsi Weerarka oo micno u samee Mucaaridadaada.

S: Masuulkasta Xidid iyo Xigaal ayuu leeyahay oo waynu ognahay laakiin adigu ma waxaad u Jeedaa Madaxwaynaha Maadaama oo aynu Xidid la nahay yaanu Xildhibaan Qabile dhaliishiisa sheegin?

J: Waa la sheegi karaa Walaal dhaliisha Madaxda dalka laakiin marka xidid laga hadlayo dhaqan waxaynu u leenahay ayaa jira oo cid waliba garanayso, mida kale marka imika Madaxwayne la leeyahay dee Axmed Siilaanyo Somaliland oo dhan ayuu Madaxwayne u yahay laakiin anaga gaar ahaan ama beel ahaanba wax dhib ah oo gaar noo ah oo uu nagu hayaa ma jirto, maadaama oo ay sidaas tahayna hadana Xididnimo wax ka wayn ayaa jira oo ummadda uu Madaxwaynaha u yahay ayaanu hadana ka mid nahay oo xilkani waa meerto oo maantana isaga ayaa ah bari mid kale ayaa noqonaya oo iyada oo ay sidaas tahay hadana Qofka binu-aadamka ahi ilaa heer aan la soconin ayaa jira oo inaad ku taxalax tagto ma fiicna, Xildhibaan Qabile-na talada aan siiyey tii uu isaguba i siin jiray ayuun bay ahayd. Markaa maadaama oo Qabile uu yahay Xildhibaankii aan soo doortay anigu waxa aan ku idhi uun Shaqsi Weerarku Mucaaridada kuu noqon maayo ee inaga daa, jawaabteeduba waxay noqoto Baaskooladaas uu ii cabaystay ee uu hadana ii soo dagay.

S: Wixii dhacay way dhaceen dhinackasta khaladku ha ka yimaado’e ma ogoshahay in Sharciga la idiinku gar-qaado oo aad Sharciga isku dhiibto maadaama oo isku day dil lagagu eedeeyey, mise Dhuumasho inaad ku jirto ayaad Jeceshay?

J: Naasir (Wariyaha Waraysiga ka qaadayey) Walaal anigu dhuumasho kuma jiro, mida kale aniga iyo Xildhibaan Qabile hadii sidii laba shaqsi oo siman naloogu gar-qaadayo oo aanu igaga awood badanaynin Xilka  uu hayo waan ogolahay oo Cadaalad Ilaahay ayaa laga helaaye inaan sharciga hortago diyaar ayaan u ahay oo waxkasta oo uu doono anigu ninkaa aanu Ilmaadeerka nahay Daw-bixiye ayaan u ahay laakiin waxaan si waynu Cambaareynayaa Wararka beenta ah ee la iga faafiyey ee la leeyahay waa la adeegsaday oo dawlada ayaa adeegsatay, waxaan u sheegay kuwa sidaas qaba inaanaan anigu Madaxwaynaha aanaan is arag isna aqoonin, cidkale oo dawladda ka tirsana warkeedaba daa oo ma kulano.

Xigasho Wargeyska Haatuf.