Madaxweynaha Somaliland oo Casuumay Wefti Soomaaliya ka yimi & Weedhaha uu ku qaabbilay

Madaxweynaha Somaliland oo Casho-sharaf ku Maamuusay Wefti Soomaaliya ka yimi & Weedhaha uu ku qaabbilay

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Caawa Casho-sharaf u sameeyey Wefti Deeq Gurmad ah oo Hal Milyan oo Doollar dhan soo gaadhsiiyey Somaliland oo ka yimi magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kuwaasoo muddo dhawr cisho ah ku sugnaa Hargeysa, iyagoo Deeqdaas kaga qayb-qaatay Samato-bixinta Dadka Abaaruhu ku baro-kiciyeen Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo Casho-sharaf ku Maamuusay Wefti Soomaaliya ka yimi & Weedhaha uu ku qaabbilay
Madaxweynaha Somaliland oo Casho-sharaf ku Maamuusay Wefti Soomaaliya ka yimi

Sidaa waxaa lagu sheegay War-Saxaafadeed Caawa ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, kaasoo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax). Nuqul ka mid ah War-Saxaafadeedkaas oo soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews, waxa uu isagoo faahfaahsan u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa caawa casho sharaf u sameeyey weftigii soomaaliya ee ka soo qaybgalay gurmadka abaaraha ka jira dalkeena Somaliland.

Weftigaas oo ka koobna 12 Xubnood oo isugu jira Salaaddiin, Culimo-awdiin, Ganacsato, Haween iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah, ayaa waxay dalka keenen deeq lacageed oo dhan hal milyan oo Doollar, kaga qaybgelayaan xaalada abaaraha ee dalku ku sugan yahay.

Cashada ka hor, waxa lays waydaarsaday khudbado lagu tilmaamayo ujeedooyinka ay dalka u yimaadeen weftiga soomaaliya, iyadoo dhinaca Somalilandna hadalku ahaa, mahadnaq looga mahadnaqayo gurmadkay ka soo qaybgaleen, soo dhawayn madaxweynuhu dalka ku soo dhawaynayey weftigaa iyo sagootis lagu macasalaamaynaayey weftiga Soomaaliya.

Weftiga soomaaliya oo hadalka ku horeeyey, una hadleen Maxamed Xasan Xaad oo ah gudoomiyaha weftiga, ayaa ugu horaynba si weyn uga mahadnaqay soo dhawayntii bilaw ilaa dhamaad intii ay dalka joogeen loo yeeshay, taas oo ay u arkeen inay tahay soo dhawayn walaalnimo, tixgelinta loo yeeshayna ay tahay mid aanay weligood illaawayn.

Guddoomiyaha Weftigu wuxu ku dheeraaday nabadgelyada 100% ah ee Somaliland ka jirta, isagoo intaa raaciyey erayo kaftan ah, oo ay ka mid ahayd in lagu soo dardaaray markuu Somaliland tago inuu kaftanka badiyo, taas oo uu uga jeeday in marka aanay arrintu rasmi ahayn ay reer Somaliland kaftanka ku fiican yihiin, sidaa awgeedna uu badiyo kaftanka marka aanay shaqo rasmiyi jirin, waxa uu intaas ku daray in aanay siyaasad u iman Somaliland, balse dadka ay abaaruhu tabaaleeyeen ee oonka iyo baahidu la soo deristay inay wax ku darsadaan u yimaadeen.

Wuxuu ammaanay amniga iyo wada jirka bulshada kala duwan ee reer Somaliland iyo dawladooda ay ku midaysan yihiin sidii ay dhinac uga soo wada jeedi lahaayeen dhismaha horumarinta qarannimadooda.

Waxa isna halkaa ka hadlay Sheekh Nuur Baaruud oo ka tirsan Cullimada weftiga ka tirsanayd, waxaanu sheegay in laysu gurmadaa inay tahay islaamnimo iyo walaalnimo iyo soomaalinimo, reer somalilandna ay u gurmadeen markii ay soomaaliya abaaruhu ka dheceen 2011 kii, iyaguna ay muujinayaan inay markooda soo gurmadaan, abaalkiina celinayaan.

Waxa isna haddal uu ugu mahadnaqayo soo dhawaynta Somaliland, iyo casuumada uu madaxweynuhu u sameeyey ka mahadnaqay Maxamuud Cabdikariin Gabayrre oo ka mid ahaa ganacsatadii weftiga la socotay.

Dhinaca Somaliland waxa iyaguna halkaa ka hadlay, Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, iyo Sheekh Xasan Cabdisalaan, kuwaas oo iskala afnoqday mahadnaqii ay u celiyeen weftiga soomaaliya ee gurmadka abaaraha ka soo qaybgalay, waxaanay intaa ku dareen inay la soo noqoshada Somaliland, aanay ahayn cuqdad iyo cadaawad ay u qabaan walaalohooda Soomaaliya, ogsoon yihiin inay soomaalinimadu tahay magac qoomiyadeed, oo ay wadaagan dhamaan dadka afsoomaaliga ku hadlaa ee Geeska Afrika, sida Jabuuti, Soomaalida ismaamulka Itoobiya, iyo Waqooyi bariga Kiiniya, dhaqan iyo dhalashona la wadaago balse siyaasad ahaan hadda loo kala duwan yahay, laba dal oo walaalo ahna la yahay.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu u mahadnaqay Weftiga Soomaaliya ee ka soo qaybgalay gurmadka loo sameeyey dadka abaartu halakaysay ee Somaliland, waxaanu Madaxweynuhu tilmaamay in isu gurmashada noocaasi ay tahay mid ay iska kaashadaan labada ummadood ee labada dal, layskagana gurmado wax ka qabashada masiibooyinka dabeeciga ah, dhibaato kasta oo culus oo dhinac ka jirtana, dhinaca gacan ka geysto.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ee kulankaas Casho-sharafta ah ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Weftiga Soomaaliya ka socda ugu sameeyey caawa xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.