Maraykanka Oo Qirtay Khaarajinta Saraakiil Hoggaanka Al-Shabaab Ka Tirsanaa

Washington(Aftahannews):- Mas’uuliyiin u hadlay dawladda Maraykanka, ayaa sheegay inay fuliyeen weerar lagu dilay labo Sarkaal oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo toddobaadkan lagu dilay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drownis-ka loo yaqaanno ee Maraykanka dalka Soomaaliya  gudihiisa.

C4C75935-FBF1-4B0E-AC17-B02C0CAFB0A4_w443_r1

Wasiirk arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa horey u sheegay in labada Sarkaal lagu dilay duleedka magaalada Jilib. Cabdikariim Guuleed waxaa uu sheegay in mid ka mid ah Ragga ku dhintay duqeyn xagga Cirka ah uu Mas’uul ka ahaa weerarrada Ismiidaaminta ah ee ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha Soomaaliya.

Dadka deggan magaalada Jilib ayaa BBC-da u sheegay in diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayni ay gaysteen weerarkaas. Maraykanka ayaa dhowr jeer oo hore Al-Shabaab u adeegsaday diyaaradaha Drone-ka ee aan duuliyaha lahayn.

Dhowr toddobaad ka hor, ayay Ciidammada sida gaarka ah u tabobbaran ee Maraykanku waxay weerar ku qaadeen xarunta Al-Shabaab ee Baraawe, iyagoo sheegay inay bartilmaameedsanayeen mas’uul sare oo ka tirsan ururkaas.

Maraykanka ayaa sheegay in ninkan uu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday xaruntii ganacsiga ee Westgate ee Nairobi. Ugu yaraan 67 ruux ayaa ku dhintay weerarkaas. Hase-ahaatee, Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inuu ka dambeeyay weerarka Westgate.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.