Ninkii dejiyay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Hargeysa ka dhacay 2008-dii oo Maanta lagu dilay Degmada Jillib

Muqdisho(Aftahannews):- Wararka ka imanaya deegaanka Jilib Gobolka Jubadda dhexe, ayaa sheegay inay halkaasi maanta weerar cirka ah ka fulisay diyaarada nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaano ah, taasoo Gantaal ku dhifatay, sida lagu waramay Gaadhi ay la socdeen saraakiil Al-shabaab ka tirsan.

DUQAYN

Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay Maamulka Deegaanka,kaasoo la xidhiidha cida weerarka fulisay, balse warar hor dhac ah oo laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya inuu duqayntaasi uu ku dhintay sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Ma cadda in Khasaaruhu intaasi ka badanyahay iyo in kale, hase ahaatee warku wuxuu intaasi ku darayaa inuu dhintay  Sarkaal magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cali Cabdi “Anta Anta”, kaasoo ah Madaxii qaybta farsamada iyo isqarxinta (Istish-haadiyiinta )ee Al-shabaab.

Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa ninkii diyaariyay weerarkii Argagixiso ee  lagu qaaday Somaliland sanadkii 2008-dii, kaasoo 29 bishii October lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada Hargeysa, Safaarada Itoobiya iyo Xarunta UNDP ee Somaliland,sida uu AFP u  sheegay Sarkaal ka tirsan Hay’ada Sirdoonka Somaliya.

Ibraahim Cabdi Cali, ayaa Dil ugu xukuman somaliland, isla markaana la ogaaday inuu Maalintiin weerarku dhacay uu ka dhoofay Madaarka diyaaradaha ee Magaalada, sida ay Gobanimonews xogo hoose ku heshay.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Diyaaradda weerarka fulisay ay leedahay Dawladda Maraykanku, balse wali xukuumadda Washington war rasmi ahi kama soo bixin.

Diyaaradaha drones-ka ee Maraykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyay Gobolka ka waday hawl-galo qorsheysan oo qaarkood lagu khaarajiyay xubno ka mid ah horgalayaasha Ururka Al-shabaab, qaarkoodna ay guul-daraysteen, sida weerarkii shanti bishan lagu qaaday Guri ku yaala Magaalada Baraawe.

Gurigaasoo la rumaysanyahay inuu ku jiray Hogaamiye ka tirsan Shabaab oo la yidhaahdo  C/qaadir Maxamed C/qaadir oo loo yaqaano Ikrima, kaasoo loo aqoonsaday inuu yahay Maskaxdii ka dambeysay weerarkii westgate bishii hore dhacay.

Hawl-galkan maanta dhacay ayaa ku soo beegmaya maalin ka hor,sanad guuradii shanaad ee ka soo wareegtay qaraxyadii ka dhacay Hargeysa ee sida la sheegay ninkan la dilay ka mid ahaa kuwii farsamo ahaan nashaqadeeyay.

Weerarkaasi sababay dhimashada 28 Ruux dad ka badan, ayaa bulshada Gobolka kaga tegay raad lama ilaawaan ah, waxaana lagu waramayaa in labadii maalmood ee ugu dambeeyay ciidaamada amaanka somalialnd heegan nabad-gelyo la geliyay, si loo xasuusto wixii maalintaasi dhacay.

Saraakiisha amaanka ee Magaalada Hargeysa ayaa Gobanimonews u sheegay in Gaadiidka si xoog ah loo baadhayo, isla markaana dalka oo dhan ciidanka la geliyay foojignaan dheeraad ah, iyadoo dhanka kalena maanta la arkayay ciidamo xad dhaaf ah oo la dhigay goobaha muhiimka ah, sida xafiisyada dawladda iyo kuwa Hay’adaha Ajaanibka ah.

Shirwac Ibraahim oo ku dhintay weerarkaasi, kana mid ahaa Ragii Ismiidaamiyay, ayaa ka mid ahaa tiro dagaalyahano Al-shabaab ah oo ka soo jihaad doontay dalka Maraykanka sanadihii 2006-dii ilaa 2008-kii.

Xigasho Gobanimonews.