Somaliland: 7 Qodob Oo Lagula Tacaalayo Xakamaynta Gudniinka Fircooniga ah oo la shaaciyay

Hargeysa(Somalilandtoday):- Kulan hawleed socday muddo laba maalmood ah oo ujeedadiisu ahayd sida loo xakamayn lahaa loona joojin lahaa gudniinkla hablaha sharcina looga soo saari lahaa ayaa shalay lagu soo gebagebeeyey Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa.

ina-Jaahuure

Guddoomiyaha Komishanka xuquuqul insaanka Qaranka Marwo Fadxiya Xuseen Jaahuur oo xidhitaankii kulankaasi ka hadashay, ayaa sheegtay in Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadu ay xeer ka soo diyaarinayso arrintaasi, baarlamaankuna isagoo ka duulaya dhinaca xuquqda aadanaha uu sharci ka soo saari doono xakamaynta gudniinka hablaha.

Kulankan oo ay ka qayb qaadanayeen hawlwadeeno ka kala socda wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee arrintani khusayso oo ka kala socday lixda gobol ee waaweyn iyo wakiilada gobolada ee hay’adda xuququl insaanka qaranka.

Marwo Fadxiyo Xuseen jaahuur ayaa gebagebadii kulanka waxa ay warbaahinta u soo bandhigtay 7 qodob oo ka soo baxay shirkan oo u dhignaa sidan:-

1. In wasaaradda Diinta iyo awqaaftu ay gaadho go’aan lagu xakamaynayo gudniinka hablaha

2. In wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadu dardar-geliso sidii sharci looga soo saari lahaa qaabka loo marayo xakamaynta gudniinka hablaha.

3. In Golaha Wakiiladu curiyaan, dhamaystiraan, isla markaana ansixiyaan sharciga xakamaynta gudniinka hablaha.

4. In Komishanka habluhu uu sameeyo hubinta loo baahan yahay.

5. Qaybaha warbaahinta ee kala duwan waa inay si tabaruc ah uga wacyigeliyaan bulshada dhibaatada gudniinka hablaha

6. Ururada bulshada, hay’adaha caalamiga ah iyo qaramada midoobay iyo ciddii kale ee ay khusayso waa inay kaalintooda ka qaataan xakamaynta gudniinkaasi

7. Kulanka waxaa lagaga baaqay in wasaaradda diinta iyo awqaaftu samayso xafiis gaar ah oo u xilsaaran kajawaabista arrimaha dibadda.