Doon Tahriibayaal Afrikaan ah kula degtay Xeebaha Yemen

Yemen (aftahannews):- Illaa 38 qof oo Tahriibayaal ah oo ka soo jeeda Geeska Afrika, ayaa ku dhintay Doon ay la socdeen oo ku degtay Xeebaha dalka Yemen.

Kalluumeysatada, ayaa soo badbaadiyay ku dhawaad ​​80 qof, balse ku dhawaad 100 kale, ayaa lagu soo waramayaa in wali la la’yahay.

Maamulka degmada Rudum, ee bariga Cadan, ayaa sheegay in dadkii doontaa saarnaa ay badankood tahriibayaal ahaayeen, ayna badankood kasoo jeedeen Itoobiya, muhaajiriintaas oo Yemen u adeegsada marin ay ku gaaraan dalalka Gacanka.

Hadi Al-Khurma, madaxa degmada Rudum, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in doontu ay quustay kahor inta aysan xeebaha soo gaarin.

Sida laga soo xigtay Qaramada Miodobay, 97,000 muhaajiriin ah ayaa sanadkii hore gaaray Yemen kuwaasoo ka yimid Geeska Afrika.

Korodhka, ayaa yimid iyadoo dagaalka Yemen uu socdo iyo weerarradii dhowaan ee Xuutiyiinta ay ku qaadayeen Maraakiibta maraya Badda Cas.