Kenya oo dib u eegaysa Heshiis ay hore ula gashay Itoobiya

Nairobi (aftahannews):- Dalka Kenya, ayaa ka fiirsanaya inuu dib uga gorgortamo heshiis dhinaca Tamarta ah oo uu hore ula galay Itoobiya, ka dib markii ay Addis Ababa ku guuldarreysatay in ay buuxiso sharuudihii lagu heshiiyey.

Heshiiskan oo labada dal dhex maray bishii Julay 2022-kii, ayaa dhigayey in Itoobiya ay Kenya ka iibiso Koronto muddo 25 sannadood ah.

Haseyeeshee, Itoobiya waxaa soo wajahay caqabado u saamixi waayey soo saarista xaddi Tamareed oo ku filan in ay koronto dibedda u dhoofiso.

Hay’adda Kenya qaabbilsan Tamarta iyo Shidaalka ee magaceeda loo soo gaabiyo EPRA, ayaa walaac ka muujisey qalalaasaha dhanka Tamarta ee ka jira Itoobiya, kaas oo ay sheegtay in uu Nairobi ku hayo hubanti la’aan kellifeysa in ay dib ugu laabato Miiska wadahadalka, si ay gorgortan cusub uga gasho culaysyada jira.

Sida uu Wargeyska The EastAfrican ee ka soo baxay Kenya u sheegay Madaxa Hay’adda EPRA Daniel Kiptoo, Itoobiya waxay ku guuldarreysatay in ay dhiggeeda Kenya ka qanciso sababta ugu wacan gaabiska ku yimid fulinta heshiiska ay wada galeen, taas oo Kenya ku ah halis aan la dhayalsan karin.

Mr. Kiptoo, ayaa intaas ku daray inkasta oo aanay Itoobiya weli si rasmi ah gacanta uga taagin hirgelinta heshiiska ay Tamarta Korontada kaga iibin lahayd Kenya, haddana aan la dhayalsan karin halista ku gedaaman heshiiskan.

Dalka Kenya, ayaa Korontada ama laydhka ka hela laba waddan oo kala ah Itoobiya iyo Uganda.