Bannaan-bax ka dhan ah Xasuuqa Israel ka waddo Gaza oo London ka dhacay

London ():- Kumanaan qof, ayaa Mudaaharaad ka dhigay Waddooyinka waawayn, iyagoo ku eedeeyay dowladda Britain in ay ku lug leedahay dembiyada dagaalka iyo xasuuqa Gaza ka dhacay.

Dadkan Bannaan-baxa maanta ka sameeyey magaalada London ee caasimadda Britain, waxay dalbadeen in la joojiyo hubka ay dowladda UK ka iibineyso Israa’iil.

Kumanaanka qof ee isu soo baxay London, ayaa ujeeddadoodu ahayd in ay garab istaagaan reer Gaza iyo cambaareynta xasuuqa Israa’iil halkaas ka geysatay.