Ciidanka ilaalada Kacaanka Iran oo Digniin Degdeg ah soo saaray

Dahran (aftahannews):- Ciidammada ilaalada Kacaanka Iran, ayaa uga digay Mareykanka fal kasta oo ka dhan ah Iran inay jawaab adag laga bkixin doono

Ciidammada ilaalada Kacaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran,  ayaa digniin u diray Mareykanka, iyagoo caddeeyay in taageero kasta ama ka qeyb qaadasho kasta oo ka dhan ah danaha Iran ay jawaab adag ka bixin doonaan.

Iran waxay sheegtay inay Maraykanka ku haysato mas’uuliyadda waxa ay ku tilmaantay “falalka xun xun” ee dawladda Israa’iil.

“Khatarta kasta oo ka timaada dawladda argagixisada ah ee Maraykanka iyo nidaamka Sahyuuniyadda ee ka yimaada waddan kasta waxaa ku xigi doona jawaab-celin ka timaada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.” ayay tidhi Iran

Nidaamyada difaaca Cirka ee Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayaa la sheegay iney qabteen qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran oo bartilmaasaday Israa’iil xalay.

Inkasta oo Ciidammada Israa’iil sheegeen inay qalabkooda difaacu qabteen Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Gantaalaha ay Iran ku weerartay Iran.