Siyaasi Meydkiisa la helay oo Qas Siyaasadeed geliyey Itoobiya

Addis Ababa (aftahannews):- Xiisad siyaasadeed, ayaa ka taagan dalka Itoobiya, kaddib markii meydkiisa la helay siyaasi caan ahaa oo toogasho lagu dilay, kaas oo Maraykanka iyo hay’adaha xuquuqda insaanka iyo xisbiyada siyaasadda ay dalbanayaan in baadhitaan madax-bannaan lagu sameeyo cidda dishay.

Inkasta oo aan illaa hadda la sheegin cid dishay, waxa magaalada Meki ee deegaanka Oromada laga helay meydka siyaasiga caanka ahaa ee Bete Urgesa oo ka tirsanaa xisbiga Jabhadda Xoraynta Oromada ee OLF.

Qof ay saaxiib dhow ahaayeen Bete Urgesa oo la hadlay BBC-da qaybteeda luuqadda Axmaariga ayaa sheegay in Bete lagu toogtay magaalada Meke ee gobolka Bariga Shawa saqda dhexe ee habeenkii Arbacadu soo gelaysay, isla markaana uu dhaawacyadii kasoo gaadhay u geeriyooday.

War-saxaafadeed oo ay soo saartay waaxda Arrimaha dibedda u qaabbilsan Maraykanka, gaar ahaan qaybta Afrika ayaa waxa lagaga dalbaday dawladda Itoobiya inay jawaab ka bixiso dilka Bete Urgesa, isla markaana baadhitaan dhamaystiran ay ku samayso falkan.

Siyaasigan la dilay oo u xidhnaa dawladda ayaa dhowaan kasoo baxay jeelka iyadoo lagu soo daayey dammaanad lacageed oo dhanayd 100,000 Birr (Boqol Kun oo Birr), waxaana dilkiisa kasoo baxaya warar kala duwan oo abuuraya xiisad siyaasadeed.

BBCda laanteeda luuqadda Amxaariga ayaa sheegtay, in Bete si qasab ah lagaga soo saaray qol uu ka deggenaa hotel ku yaalla magaalada Meki, kaddibna si badheedh ah loo toogtay iyadoo meydkiisana lagu soo tuuray waddada.

Dawladda deegaanka Oromada oo dadka qaarkood ay tuhunsan yihiin ayaan illaa hadda ka hadal dilkan, sidoo kalena dawladda federaalka ayaa ka gaabsaday, hase yeeshee Guddoomiyaha Komishanka xuquuqal insaanka Itoobiya Dr. Daniel Bekela ayaa ku baaqay in la sameeyo baadhitaan madax-bannaan si loo helo cidda geysatay dilka iyo cidda ka dambaysayba.

Daniel Bekele ayaa intaa ku daray, in dawladda federaalka iyo ismaamulka Oromiyaba looga baahan yahay inay sameeyaan baadhitaanno deg-deg ah, madax-bannaan oo dhamaystiran si caddaaladda loo horkeeno kuwa dilka geystay.

Waqtigii la xidhay Bete Urgesa ayaa waxa laga qabtay hotelka Skylight ee magaalada Addis Ababa waqti uu waraysi siinayey wariye Antoine Galindo oo isagana la xidhay balse mar dambe ay dawladdu sii deystay, waxaana uu siyaasigani jeelka ku jiray muddo laba toddobaad ah.

Weriyaha Faransiiska ahaa oo u shaqaynayey wargeyska Africa Intelligence iyo Bete ayaa waqtigaas ay dawladdu ku eedaysay inay la shaqaynayeen jabhadaha Oromada iyo Amxaarada ee Faano iyo OLA.

Badhtamaha sannadkii 2022kii, ayaa Bete lagu xidhay magaalada Burayu ee deegaanka Oromada, waxaana markii uu muddo xidhnaa uu ka soomay cuntada iyadoo hay’adaha xuquuqal insaanku ay waqtigaas eheegeen in uu ku xanuunsaday xabsiga oo ay xaaladdiisu adag tahay.

Si kastaba ha aaatee, siyaasiyga la dilay ee Bete Urgesa ayaa waxa uu beer khudaar ah ama bustaan ah ku lahaa meel u dhow magaalada lagu dilay ee Meki, waxaana beertaas inta badan ka baxa cambe-babay.