Dalladda East African Community oo Aqbashay Xubinnimada Soomaaliya

Arusha (aftahannews):- Dalladda Bulshada Dhaqaalaha ee Bariga Africa, ayaa maanta rasmi ah ugu dhowaaqday inay Soomaaliya ka mid tahay ururkaasi, isla markaana ay noqotay xubintii siddeedaad.
Ku dhowaaqista Soomaaliya ee xubinnimada EAC, ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay dabaqdo shurucdii ururka EAC, sida uu sheegay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo la hadlayey warbaahinta dawladda Soomaaliya.
Wasiirka, ayaa sheegay inuu maanta geeyey sharciga ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka, isla markaana uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo Caruusha u joogay dhammaystirka ku biiritaanka EAC, ayaa ku saxiixay magaalada Entebbe ee Uganda heshiiska ku biiritaanka EAC.

Xafladda saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni.

Dr. Mathuki ayaa soo dhaweeyay in Soomaaliya ay noqoto xubinta cusub ee EAC, oo ah urur goboleed ay ku midaysan yihiin 8 dal, kaas oo ujeedadiisu tahay in ay xoojiyaan iskaashiga Waddamada ay saaxiibka yihiin ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada.

Waxa uu sheegay in ka mid noqoshada Soomaaliya ay xoojin doonto aragtida EAC ee ku aaddan xasilloon, iyo siyaasad midaysan oo ka hanaqaada gobolka Bariga Afrika ah.

Wuxuu ku ammaanay Soomaaliya sida ay u buuxisay shuruudaha heshiiska EAC, wuxuuna ku booriyay Soomaaliya in ay ansixiyaan oo ay dhaqangeliyaan shuruucda iyo xeerarka EAC.

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay ka qeyb qaadato hadafyada EAC, sida ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada, beeraha, nabadda iyo amniga.

Waxa uu sheegay in calanka Soomaaliya laga taagay xarunta ururka ee Caruusha, sidoo kalena calanka EAC laga taagi doono Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa bishii December saxeexay xubinnimada rasmiga ah ee Soomaaliya ee ururka EAC iyagoo ay goobjoog ka ahaayeen. Madaxweynayaasha Uganda iyo Suudaanta Koonfureed Yoweri Museveni iyo Salva Kiir.