“Hoggaanka Itoobiya wuxuu rabaa inuu Dhibta Dalkiisa, Soomaaliya u Soo Xawilo..” Madaxweyne Xasan Sheekh

Antalya (aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey Madasha diblumaasiyadda ee Antalya ee dalka Turkiga, ayaa ku tilmaamay hoggaanka Itoobiya mid doonaya in uu dibedda u xawilo dhibaatooyinka ka jira gudaha dalkiisa.

“Taariikh dheer ayaan leenahay annaga iyo deriskayaga Itoobiya, 6 ilaa 7 qarni, inta bandanna ma ahayn taariikh wanaagsan,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in ay doonayaan in taariikhdaas laga gudbo oo la dhiso xidhiidh dhaqan dhaqaale oo u dhexeeya labada dal.

Hase yeeshee Madaxweynuhu wuxuu sheegay; “Nasiib-darro marka uu hoggaanku wajahayo dhibaato gudaha ah oo uu doonayo in uu indhaha dadkiisa ku xawilo arrima dibedda ah, waa dhibaato halis ah.”

“Waxaa jira dalal badan oo bad la’aan ah, dhamaantoodna badda way isticmaalaan, waxaana jira qaab caalamku isla oggolyahay oo ku aaddan sida ay dalalka aan badda lahayni uga faa’iideysan karaan badda,” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya oo intaas sii raaciyey; “Taasi kama dhigna inaad qayb goosato ama in aad saldhig milatari ka samaysato dalkaas.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya,  ayaa bilaabatay ka dib heshiis is-afgarad oo dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo dhigayey in Itoobiya laga kireeyo 20 kiilo mitir xeebaha Somaliland, halka ay Itoobiya aqoonsan doonto madaxbannaanida Somaliland.

Haseyeeshee, dowladda Soomaaliya, ayaa si weyn uga soo horjeesatay heshiiskaas, oo ay ku tilmaantay farogelin ay Itoobiya ku samaynayso madaxbannaanida Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, sidaas awgeedna aanay aqbali doonin.