Ethiopian Airlines oo War Cusub ka soo saartay isticmaalkeeda Hawada Soomaaliya

Addis Ababa (Karamara TV) – Shirkadda Ethiopian Airlines, ayaa xalay soo saartay war-saxaafadeed ay ku beeninayso inay joojisay isticmaalka Hawada Soomaaliya, warkaas oo ay Jimcihii Idaacadda BBC-du baahisay.

Beeninta Ethiopian Airlines
Beeninta Ethiopian Airlines

War ay BBC-da qaybta Amxaarigu baahisay ayaa lagu sheegay in shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ay joojisay isticmaalka hawada Soomaaliya oo sida warqadda ku cad lagu tilmaamay mid aan ammaan ahayn, hase yeeshee war-saxaafadeedka ay 12kii habeennimo ee saqda dhexe ee xalay soo saartay shirkadda Ethiopian Airleins ayaa lagu beeniyey warkaas.

“Ethiopian Airlines waxa ay caddaynaysaa in warka ay baahisay BBC Amharic ee lagu faafiyey baraha bulshada ee ah inay shirkaddu joojisay isticmaalka hawada Soomaaliya aanu run ahayn.” Sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Ethiopian Airlines waxa ay ka dalbatay BBC Amharic in ay sixitaan ku samayso warka ay baahisay.

Haseyeeshee BBC qaybta Amxaarigu waxay sheegtay inay waraysi la yeelatay Madaxa Shirkadda Ethiopian Airleins Masfen Tesfaye, isla markaana uu sheegay inaan la isku hallayn karin hawada Soomaaliya badqabkeeda, sidaas awgeedna duullimaadyadii tegi jirtay Aasiya ee mari jiray hawada Soomaaliya.

Laakiin, qaybta Amxaariga ee BBC-da, ayaa saaka baahisay Codka Waraysiga ay la yeelatay Madaxa Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, iyada oo caddaysay, inaanu been ahayn Waraysiga oo ay xalay qoraal ku baahisay.