Madaxa Shirkadda Ethiopian Airlines oo Sheegay inay Hawada Soomaaliya ka Wareegeen

Addis Ababa (aftahannews):- Madaxa Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines, ayaa BBC u sheegay in shirkaddu ay joojisay duullimaadyadii ay ku mari jirtay hawada Soomaaliya, kuwaasi oo tagi jiray dalalka Aasiya.

Duullimaadyada diyaaradaha shirkadda ee tagi jiray dalalka Aasiya ayaa waxay markii hore sii mari jireen hawada Soomaaliya, taasi oo imika ay shirkaddu sida ay sheegtay joojisay.

Maamulaha guud ee shirkadda diyaaradaha Itoobiya Mesfin Tasew oo BBC Amharic la hadlay ayaa yiri, “shirkadda ayaa go’aankan gaartay, sababtoo ah ma aysan helin “adeeg duulista hawada” oo ammaan ah taasi oo aysan ka helin maamulayaasha hawada Soomaaliya.

Mesfen ayaa sheegay in go’aankooda uu sidoo kale la xiriiro dhacdadii ka dhacday hawada Soomaaliya bartamihii bishii aanu soo dhaafnay.

“Iyadoo la raacayo hab-dhaqanka caalamiga ah, waxaanu ku wargalinnay hay’adaha duulista rayidka ee ay qusayso marka shil noocan oo kale ahi dhaco, waxaa lagu wargeliyay hay’adaha duulista rayidka Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayuu u sheegay BBC-da. Balse, wuxuu intaas ku daray inaysan illaa hadda wax jawaab ah ka bixin arrintan.

Mesfen ayaa xusay in dhacdadii Sabtidii ay ka dhigtay shirkadda Ethiopian Airlines inay qaadato go’aankan sababo la xiriira ammaanka iyo badqabka hawada Soomaaliya.

“Sidaa darteed, maalin ka dib dhacdadani oo dhacday Axaddii, Febraayo 17/2024, waxaan shaaca ka qaadnay in Ethiopian Airlines ay go’aansatay inay joojiso isticmaalka hawada Soomaaliya.

Mr Mesfen ayaa farta ku fiiqay in maaddaama uusan jirin adeeg la isku haleyn karo dhinaca hawada (Soomaaliya) ay isticmaali doonaan waddooyin kale iyada oo la eegayo bad-qabka.

Madaxa shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa sheegay in diyaaradihii hawada Soomaaliya u adeegsan jirtay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay dalalka Aasiya ay hadda duullimaadyadooda mari doonaan dhanka hawada dalka Jabuuti.

Waxa uu intaa ku daray in diyaaradda Ethiopian Airlines ay hawada Jabuuti isticmaalayso “iyada oo uusan qarash dheeri ah kaga bixin”.

Mesfen ayaa hasa yeeshee caddeeyay in duullimaadyadii ay diyaaradaha shirkadda ku tagi jireen Muqdisho iyo Hargeysa uusan waxba iska baddalin oo ay sidoodii yihiin islamarkaana aysan wax dhibaato ah ka jirin.

Ethiopian Airlines ayaa BBC-da u sheegtay in ay heleen xog ku saabsan in diyaaradda Qatar Airways ay ku soo wajahan tahay oo ay hawada ku soo jirto.

Shirkadda ayaa xustay in diyaarada Qatar oo ku duuleysa hawada Soomaaliya ay ku soo wajahnayd diyaarada Ethiopian Airlines islamarkana sare looga qaaday diyaaradda jawigii ay ku duuleysay iyadoo ogolaansho ay siiyeen shaqaalaha hawada Muqdisho.

E-mail ay u dirtay BBC-da ayay Ethiopian Airlines ku sheegtay in masaafada labada diyaaradood u dhaxeysay ay ahayd 23 KM.

Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland oo war-saxaafadeed ka soo saartay dhacdadan, ayaa horey u sheegtay in diyaaradaha Itoobiya iyo Qatar ay masaafo halis ah isu jirsadeen, isla markaana ay isku dhici gaareen. Waxay sidoo uu sidoo kale ku eedeeyeen maamulka hawada Soomaaliya ee Muqdisho “macluumaad been abuur ah in ay bixiyeen”.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka duulista hawada Soomaaliya ayaa arrintaasi beeniyey iyadoo sheegtay in masaafada labada diyaarad u dhaxeysay aysan ahayn mid halis ah.

Maxay Soomaaliya ka tiri ?

Mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo BBC lasoo xiriiray ayaa sheegay inuusan jirin warka ah in shirkaddu joojisay qaar ka mid ah duullimaadyadii mari jiray hawada Soomaaliya, isla markaana aysan dowladdu wax xiriir ah oo arrintan ku saabsan ka helin shirkadda.

Dhanka kale, hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa hore u beenisay warka sheegaya in hawada Soomaaliya aysan ahayn mid la isku haleyn karo oo halis ah.

Maareeyaha hay’adda Duulista Rayidka Soomaliya, Axmed Macallin oo ay BBC la hadashay ayaa sheegay in hawada Soomaaliya wax iska baddalay aysan jirin islamarkaana ay ammaan tahay.

Waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka taagnaa hawada Soomaaliya muran u dhaxeeyay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madxabannaanida ee Somaliland iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Muranka ayaa salka ku haya khilaafkii ak dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay gaareen dowladda Itoobiya iyo Somaliland kaasi oo ku saabsanaa dhanka badda.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay heshiiskii is afgarad ee ay wada saxiixdeen Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi, taas oo madaxweynaha Soomaaliya Xasa Shiikh ku tilmaamay ‘gardarro badheedh ah’ oo lagu soo qaaday Soomaaliya.

Tan iyo heshiiskaas diyaarad ay lahayd Itoobiya ayaa laga celiyey hawada Soomaaliya, waxaaana muddooyinkii ka danbeeyey ay Somaliland iyana shaacisay in ay ‘wixii carqalad ah’ ee ka dhasha ay u taallo Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa midba ka kale ku eedaynayey carqaladayn dhanka hawada ah iyo xogaha is dhaafsan ee mudooyinkii u danbeeyey ay la kulmayeen qaar ka mid ah diyaaradaha isticmaalaya hawada Soomaaliya.

Xigasho BBCSomali.com.