Puntland oo Dil Ku Xukuntay Ajaanin Argaggixiso ahaa

Garoowe (aftahannews):- Maxkamadda derajada koowaad ee Ciidammada Puntland, ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday 6 Nin oo u dhashay dalka Marooko, kuwaas oo ay Maxkamaddu sheegtay iney ka mid ahayeen kooxda Daacish.

Maxkamadda, ayaa sheegtay in Raggan ay dalkoodii uga yimaaddeen iney dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana Maxkamaddu ay tilmaamtay in Raggan laga soo qabtay goobaha ay Daacishtu ka dagaallanto, gaar ahaan Buuraha Cal miskaat.

Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda derajada Koowaad ee Ciidammada Puntland Korneyl Cali Ibraahim Cusaman ayaa sheegay in ragaan dhalashadoodu tahay Marooko ee xukunka toogashada ah lagu riday iney qirteen ka mid ahaanshaha Daacish.

Guddoomiye ku-xigeenka, ayaa Sidoo kale sheegay iney Maxkamadda xukunno xabsi oo sanooyin ah ku ridday Nin Soomaali ah iyo Nin kale oo u dhashey dalka Itoobiya.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay Puntland xukunno dil toogasho ah ku riddo ajaaniib ka tirsan kooxda Daacish ee ka dagaallanta Buuraleyda Cal miskaat iyo Galgala ee Puntland.