Somaliland oo Shaacisay inay Dacad Ka Gudbisay Soomaaliya

Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa dowladda Soomaaliya ku eedaysay in ay xadgudub isugu jira, dil, jidhdil iyo xadgububyo kale u geysatay dadka kasoo jeeda Somaliland ee Muqdisho ku sugan.

War-saxaafadeed ka soo baxday Shirkii Golaha wasiirrada ee maanta, oo uu warbaahinta u akhriya Wasiirka Warfaafinta Cali Maxamed Xasan (Cali-Marreexaan), ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dembiyo ka gashay reer Somaliland.

“Waxay dowladda Soomaaliya qaadday dagaal xooggan oo ka dhan ah shacabka reer Somaliland, ka dib markii ay kasoo quusteen beesha caalamka, waxay iskaashadeen kooxo kala duwan oo xagjir ah, waxa kale oo falalka cadaawada ah kamid ah in diyaarad qof xanuunsanaya qaadaysay ay celiyeen.” ayuu yidhi Cali-Marreexaan.

Waxa kale oo uu dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay masuul ka tahay Dad dhawaan lagu dilay magaalada Muqdisho iyo qaar kale oo la sheegay in la helay iyaga oo Meyd ah, isaga oo sheegay in ay ahaayeen dilal qorshaysan, oo Shacabka Somaliland loola jeeday.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in Somaliland ay hay’addo caalami ah u gudbisay dacwad ka dhan ah dowlada Soomaaliya, isla markaana ay ka xukuumad ahaan  caalamka ka codsanayaan in Soomaaliya lala xisaabtamo.

Cali-Marreexaan, waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay maamusho Baddeeda, Barrigeeda iyo Cirkeedaba, isla markaana heshiis kasta oo ay dowlada Soomaaliya gashaa aanu dhaqangal ka noqonayn Dhulka Somaliland.