Gaza: Dhakhtar Farriin Dareen leh ka soo diray Cusbitaalka Al-Shifa

Qasa (aftahannews):- Xaaladda Cusbitaallada magaalada Qasa ayey si weyn ugu dayrinayaan Haya’adaha Qaramada Midoobay, halkaas oo muddo afar bilood ah uu ka socdo dagaal ay  Israa’iil ka waddo tan iyo toddobadii October oo Xamaas ay weerartay deegaannada Koonfurta Israa’iil.

Dr. Mohammed Al Sheikh wuxuu farriin dareen leh ka soo diray Cusbitaalka Al-Shifa, oo ah cisbitaal weyn oo ku yaala Waqooyiga Qasa, kaas oo ahaa bartilmaameedka weerarka dhulka ee Israa’iil.

Waxa uu sheegay in uu seexdo Cusbitaalka, isla markaana uu shaqeeyo habeen iyo maalinba toddobaadka oo dhan, mararna ay helaan nasiino yar oo saacoado ah.

“Gurigayga ma tago, Qoskaygana uma tagi karo, waayo waxay joogaan Waqooyiga Qasa iyagoo ku jira hoyga dugsiyada.” ayuu yidhi Dr. Maxamed.

Dhanka Raashinka, waxa uu sheegay in la heli karo dhowr shay, gaar ahaan Bur iyo Bariis la’aan, waxaana gabaabsi ka jira Cunnada daruuriga ah.

“Waxaan bixinnaa wax kasta oo aan awoodno. Waxaa nasoo gaadhay dhaawacyo u badan Haween, Carruur iyo Dad waayeel ah.” Sidaa ayuu yidhi Dr Maxamed.