Madaxweynaha Kenya oo Si yaab leh u Soo Dhaweeyey Raysal-wasaaraha Itoobiya

Nairobi (aftahannews):- Madaxweynaha Kenya,  ayaa Raysal-wasaaraha Itoobiya qaab cajiib ugu soo dhaweeyey magaalada Nairobi ee caasimadda dalkiisa.

Sida ay baahisay warbaahinta Madaxtooyada Kenya, waxaa Nairobi gaadhay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa ku soo dhaweeyey Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed magaalada Nairobi. Waxaase xusid mudan qaabka cajiibka ah ee uu u qaabbilay, habka ay isu salaameen labada hoggaamiye.

Wakaalada wararka ee FANA, ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu booqasho laba maalmood ah ku gaadhay dalka Kenya.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta facebook ee Madaxweynaha Kenya Willian Ruto, ayaa lagu sheegay in Abiy oo ku qaybgalay xadhig ka jar ka dhacay xarun tijnoolajiyadeed oo ku taal kenya.