Ciidamada Federaal Booliiska Itoobiya oo Dad ku Laayey Magaalada Jigjiga

Jigjiga (aftahannews):- Meydka Hal Qof oo dhimasho ah iyo 4 dhaawac ah, ayaa la geeyey Cusbitaalka Rifeeralka ee magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad-deegaanka Soomaalida.

Ciidammada Finaasta ee dowladda federaalka Itoobiya u qaabbilsan ladagaallanka kootarabaanka, ayaa gelinkii hore ee khamiistii shalay rasaas ku furay shacab tiro badan oo ku sugnaa sayladda xoolaha ee magaalada Jigjiga, halkaas oo ay doonayeen inay ka dareersadaan xoolaha lagu kala iibsanayo,  3 qof oo midi gabadh tahay ayay haleeshay xabbadda ay Ciidammadu huwiyeen dadka oo gadood kala hor yimid markii ay ciidammadan oo aanu ku jirin hal qof oo Soomaali ah ay isku dayeen inay kaxaystaan laba dibi oo la sheegay in ay ku sugnaayeen sayladda oo la kala iibsaday, halka qofka 4aad ay gaadhi jiidhsiiyeen.

Dhaawaca afarta qof oo midkood aad u culus yahay, ayaa loo qaaday cusbitaalka Referalka ee magaalada Jigjiga oo xaaladdooda lagula tacaalayaa, waxaase sidoo kale isla cusbitaalka la keenay meydka qof kale oo aan la garanayn cidda dishay balse ay jiraan tuhun ah inay ciidamadan caadaystay dhiigga shacabka Soomaalidu ay si badheedh ah u toogteen.

Sida ay dad goob-joogeyaal ah u xaqiijiyeen telefishanka Karamardha oo aannu warkan ka soo xigannay, laba wiil oo dhallinyaro ah ayey xabaddu mid feedhaha dhax fadhidaa oo xaaladdiisa lala tacaalayaa, halka mid kalena ay lugta kaga dhacday, laakiin waxa ay xaaladdeedu halis tahay gabadh isla sayladda ku sugnayd oo ay iyadana feedhaha kaga dhacday xabbadu.
Waxa intaas dheer, Oday waayeel ah oo ay Ciidammada finaastu jiidhsiiyeen baabuurkooda markii ay sh ay shacabku ku gadoodeen, waxaa isna la geeyey cusbitaalka Referalka.

Qofka Meydka ah ee isagana la keenay cusbitaalka oo aan la aqoonsanin ehelladiisa, ayaa la geeyey qolka Meydka.

Xukuumadda deegaanka Soomaalida ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, ayaan ka hadal arrintan, iyadoo sharcigu uu dhigayo in kaliya ciidamada finaastu ay ugaadhsan karaan wixii ka gudbaya xuduudka ama u jira 15km, laakiin taas beddelkeeda ay sayladdii xoolaha ee ku taallay dhinaca Koonfur Galbeed ee Jigjiga ay gudaha u gelayaan oo ay ka dareersanayaan xoolaha.

Xisbiga Somali federalist Party ee xaruntiisu tahay magaalada Jigjiga ayaa si adag uga halday falalka soo noqnoqday ee dilka iyo dhaca ay ciidamada finaastu ku hayaan shacabka Soomaalida, waxaanu ugu baaqay xukuumadda madaxweyne Mustafe inay sugto amniga dadkeeda iyo hantidoodaba, iyadoo ciidamadana lagu dabbaalayo xayndaabka sharci ee ay ka tallaabsanayaan.

War-saxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha xisbiga Somali Federalist Party Mudane Yuusuf Xuseen oo loo garan ogyahay Yuusuf Casabood, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

“Waxaa jirta dhibaato soo noqnoqotay mudooyinkii u danbeeyay oo ay kula kacayeen shacabka ciidamada Faderaal Booliska ee jooga Deegaanka Somaalida dhibaatooyinkaas oo isugu jiray dil badheedh ah dhac iyo weerar joogta ah oo ay kulakacayeen shacabka deegaanka, Dhibkaas oo saameeyay shacabka rayidka ee Degaanka Soomaalida hadana xaaladu waxay maraysaa inaan neef xoola ah la soo aroorin karin oo ay dhacayaan gaadhigay doonaana ay xabad ku furayaan. Dhibaatada labaad oo ah inay iska in dhatirayso oo ayna waxdana kalahayn xukumadii katalinaysay deegaanka Soomaalida, oo ayna ka hadlin ilaa hadda dhibaatooyinkaas lagu hayo shacabkii ay dawlada u ahaayeen.

1. Xisbiga SFP wuxuu aad uga xunyahay dhibka lagu hayo shecabka masaakiinta ah ee aan waxba galabsanin ee maalin walba la dhibaataynayo wixii dhintay Allaah naxaristo, wixii dhaawacana Allah waxaan uga baryaa caafimaad sareecana iyo inuu uga dhigo nabar xaqdar.
2. Xisbiga SFP wuxuu xukumada DDS ugu baaqayaa inay sida ugu dhakhsaha badan uga hadasho dhibaatadan soo noqnogotay ee ay cidamada Faderaal Boolisku kuhayaan shacabka DDS, cidii geysatay falalka arxandarada ahna, waa inay sharciga la tigsato, natijadeedana ay shacabka deegaanka lawadaagto oo ayna nogonin sidii falalkii hore ee ay ugaysan jireen ciidanka Federaal Booliska shacabka DDS ilaa hadana wax natiija ah laga haynin.

3. Xisbiga SFP wuxuu ugu baaqayaa cidamada faderal Booliska ee ka hawlgala DDS waa inay jawaab dag dag ah ka bixiyaan falalkan foosha xun ee ay kula ka cayeen mudooyinkii ugu danbeeyay. shacabka degaanka falalkaas oo isugu jiray dilbadheedha, dhaca sharciga baal marsan islamarkaana bayaanka jibrigu u dhigayo in wixii ujirsada xadka 15 k.m kana sii baxaya xadka Ethiopia uu yahay tuhun Kontroband laakin baryahan danbe xoolaha ay danyartu soo aroorsato ama ay sayladaha Deeganka usoo
iibgeeystaan oo lagu dhacayo kadibna jibriga lagu soo shubayo lagana xaraashayo dad aan u dhalanin Deegaanka Soomaalida.

F.G:- Waxaan shacabka DDS u sheegaynaa in wixii hadda ka daanbeeya uuna xisbiga SFP indhaha kaqabsan’ doonin dhibaatoyinka logaysanyo shacabka DDS.”