Maxkamadda Qabridaharre oo Xukun yaab leh ku ridday Macallimiin Qur’aan

Qabridaharre (aftahannews):- Maxkamadda councilka ee magaalada Qabridaharre ee Dowlad-deegaanka Soomaalida, ayaa gelinkii hore ee Khamiistii shalay la horgeeyey Siddeed Macallin oo Qur’aanka ka dhiga toddoba Madarasadood oo ku yaalla magaaladaas, kuwaas oo lagu riday xukun layaab lel oo hadal hayn ka dhex abuuray Bulshada deegaanka.

Macallimiintan oo saddex maalmood ka hor la xidhay iyagoo ku sugnaa Maddarasadahooda ayaanu maamulka magaalada iyo midka gobolka Qorraxay midkoodna shaacin sababta ay usoo xidheen. Haseyeeshee, dad ku sugnaa fadhigii maxkamadda ee shalay, ayaa xaqiijiyey in garsooraha Maxkamaddu uu sheegay in aanay wax dembi ah ku helin, laakiin haddana ay xukun ku ridayaan.

Siddeeddan Macallin oo gelinkij dambe ee Khamiistii la sii daayey, ayaa lagu xukumay in mid walba uu bixiyo lacag lagu iibiyo 20 kees oo biyaha sifaysan ee caagadaha ku jira ah ama loo yaqaano highlandhiga, kuwaas oo markii ay lacagtooda bixiyeen xorriyadooda loo celiyey.

Maamulka magaalada Qabridaharre ee uu Maayerka u yahay Cabdi Cawil oo soo xidhay Macallimiintan, ayaa ku eedaynayey eedaymo kala duwan oo ay Maxkamaddu laashay, waxaana sida ay dad goob-joogeyaal ah u xaqiijiyeen telefishanka Karamardha oo aannu warkan ka soo xigannay ay maamulku ka dalbadeen Maxkamadda in aan la fasixin oo aan xorriyadooda la siinin Macallimiintan oo aan wax xukun ah lagu ridin.

Goobjooge codsaday in aanu qarinno magaciisa sababo la xidhiidha ammaankiisa oo lasoo xidhiidhay KaramardhaTV, ayaa waxa uu sheegay in maamulku ay codsadeen in min 20 kees oo biyo ah lagu xukumo macallimiintan.

Macallimiinta waxaa ka mid ah Macallin Rabiic Faarax, Macallin Garaad Salleeye, Macallin Abokow Inshaar iyo Macallin Maxamuud Cabdillaahi.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Qabridaharre, waxa hore uga jiray khilaaf u dhexeeyey Duqa Magaalada Cabdi Cawil iyo Culimada magaalada, kaas oo salka ku hayay dhismaha Masaajidka qadiimiga ah ee Cilmi-dheere oo bishii September 2023-kii la joojiyey in dibu-dhis lagu sameeyo, kaddib markii ay qaybo ka mid ah dumeen, waxaana waqtigaas uu Mayarka ama Duqa magaaladu sheegay in masaajidkan uu ka mid yahay goobaha taariikhiga ah ee aan dibu-dhiska iyo dayactirka midna lagu samayn karaynin.