Millateriga Itoobiya oo ku Biiray Gurmadka Maacdan-qodeyaal ay Buuri ku duntay

Addis Ababa (aftahannews):-  Injineerada Millateriga Itoobiya, ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey qayb ka noqday gurmad la doonayo in lagu samatabixiyo sagaal macdan qodeyaal ah oo uu ku dumay god ku yaalla buur weyn oo ku taalla Gobolka Koonfurta Wollo ee deegaanka Amxaarada, halkaas oo muddo 13 maalmood ah ay ku jiraan macdan qodeyaashu.

Sagaal dhallinyaro ah, ayaa laga raadinayaa raq iyo ruux mid uun in lagu helo buur ku taalla degmada Delanta oo u dhow magaalada Wegel Tena ee gobolka Koonfurta Wollo.

Goob-joogeyaasha, ayaa sheegaya, in aan rajo badan laga qabin in nolol lagu helo sagaalkan dhallinyarada ah, laakiin meydkooda uun la raadinayo.