Qatar iyo Somalia oo Kala Saxeexday Heshiis Difaac iyo Iskaashi Millateri ah

Dooxa (aftahannews):- Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashigooda dhanka Ciidammada iyo sidoo kale sare u qaadista xidhiidhka laba geesoodka ah ee waxtarka u leh labada dal.

Heshiiska, ayaa yimid ka dib kulan dhex maray Taliyaha Ciidammada xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyidiin iyo dhiggiisa Qatar Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit. Kullankaas oo ka dhacay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Labada Taliye ee Millateriga Soomaaliya iyo Qatar, ayaa warku sheegay inay kulankaas halkaas iskula soo qaadeen waddooyin kale oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee difaaca iyo amniga ee ay Labada Dal iska kaashan karaan immika iyo mustaqbalka ba.

Kulanka, ayaa sidoo kale noqday madal la isku dhaafsado oo la iskaga waraysto caqabadaha amniga gobolka iyo sahminta fursadaha wadajirka ah, si wax looga qabto caqabadaha ay wadaagaan labada Dal.

Soomaaliya iyo Qatar, ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xidhiidhkooda istiraatiijiyadeed iyo kobcinta kalsoonida labada dhinac.

Qatar, ayaa si firfircoon uga qeyb qaadatay bixinta tababarada ciidamada Soomaaliya, taasoo sii xoojineysa xiriirka labada waddan.

Heshiiskan, ayaa imanaya maalin ka dib markii Heshiis Difaac iyo Iskaashi dhaqaale ah oo Soomaaliya Turkiga la gashay ay Golayaasha Baarlamaanka federaalka iyo Golaha Wasiirrada Soomaaliya Arbacadii shalay ansixiyeen, kaas oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Khamiistii maanta qalinka ku duugay oo uu saxeexay dhaqangalkiisa.

Sidoo kale, Heshiisyadan, ayaa ku soo beegmaya xilli khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya cirka isku shareeray tan iyo markii ay Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen heshiis isfaham oo itoobiya u oggolaanaya 20 Km oo Bad oo saldhig ciidan iyo marin ganacsi ka dhigato, halka ay Itoobiya aqoonsan doonto Somaliland, sida uu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi.

Heshiiskaas isfaham ayey dowladda Soomaaliya cambaaraysay, isla markaana ku tilmaantay faragelin ay Itoobiya ku samaynayso madaxbannaanida Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Sidaa darteedna, aanay aqbali doonin in Itoobiya qayb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya ay qaadato Itoobiya. Illaa hsddana xal lagama gaadhin khilaafka ee waa uu sii xoogaysanayaa marba marka ka dambaysa illaa bilawgii January 2024-ka.