Somalia: Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Dowladdu la gashay Turkiga

Muqdisho (aftahannews):- Golaha Wasiirrada Soomaaliya, ayaa ansixiyay Heshiis difaaca Badda iyo Dhaqaalaha la xidhiidha oo ay Soomaaliya la gashay Turkiga, kaas oo sidoo kale Golayaasha Baarlamaankuna isla maanta ku ansixiyen fadhi ay yeesheen oo Warbaahintu dibedda ka joogtay.

War qoraal ah oo Xafiiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya ka soo baxay, ayaa lagu faahfaahiyey Heshiiska la ansixiyey oo uu Xamse Cabdi Barre faahfaahiyey muhiimadda uu u leeyahay Soomaaliya. Kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay heshiis taariikhi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shir guddoomiyay kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed – isaga oo ka hadlay ahmiyadda heshiiskani u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Heshiiskani waa mid masiiri ah oo dhaxalgal, waa go’aan Soomaaliya u jeexaya waddo cusub oo aan horey u suurtoobin, waa go’aan Soomaaliya ka saaraya madi-nimadii iyo walaal la’aantii, waa go’aan Soomaaliya u sameynaya saaxiib dhab ah oo ay caalamka ku yeelato”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in heshiiskani uu soo afjarayo in baddeenna iyo waxa ku jira looga baqo argagixiso, burcad badeed, kalluumeysi sharci darro ah, sun lagu shubo, xadgudub iyo halis kaga timaadda dibedda.

“Heshiiskani waxa uu dhisaya, tababarayaa, isla markaana qalabeynayaa ciidankeenna badda, si ay ula wareegaan difaaca baddeenna. Heshiiskani waxa uu kordhinayaa wax soo saarka baddeenna iyo dhaqaalaha buluugga ah”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga isgarab taaggooda xilliyo muhiim ah oo ay Soomaaliya soo martay iyo maanta oo lagu soo xadgudbay Qarannimada dalka.”