Maxaad Kala Socotaa Heshiiska Turkigu Badda Soomaaliya ku ilaalinayo ee Baarlamaanka Ansixiyay?

Muqdisho (aftahannews):- Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa meel mariyay heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale oo ay kala sixiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskaan ayaa dhigaya in toban sanno uu Turkiguna biyaha Soomaaliya difaaci doono, iyagoo dhisi doona ciidamo badeed.

Tani waa talaabo weyn oo ay Soomaaliya ku xoojinayso aminga badeeda si’ay uga gaashaamato khataraha kaga imanaya gobolka. Heshiiska ayaa sidoo kale xoojinaya ka faa’iidaysiga kheyraadka badda.

Wasiirrada Gaashaandhigga Somalia iyo Turkey 2024
Wasiirrada Gaashaandhigga Somalia iyo Turkey 2024

Heshiiskana waxuu u siinayaa ciidammada Turkida in ay la dagaalami karaan guud ahaan nooc walba oo argagixiso, budhcad badeed, kalluumaysiga sharcidarada ah, sunta lagu qubo xeebaha Soomaaliya, iyo khataraha Soomaaliya uga imanaya dibadda.

Warar ay BBC du heshay ayaa sheegaya in maraakiibta ciidamada Turkiga ay imaan doonaan biyaha Soomalaiya.

Heshiiskan ay isla maanta ku ansixiyen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si gacantaag ah, nooca iyo sida heshiisku u qoranyahayna lama horkeenin Barlamaanka iyo Golaha Wasiiraddaba, sida ay BBC da u sheegeen ilo ku kala sugan labad xafiis.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumdda Federaalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Golaha Wasiirada hadal ka horjeediyay waxuu yidhi “Idinkoo ka duulaya masuuliyadda qaran ee idin saran, duruufaha dalkeenna iyo dareenka shacabkeenna ayaad gaadheen go’aan masiiri ah oo dhaxal gal ah – go’aan Soomaaliya u jeexaya wado cusub”.

Heshiiskaan ayaa imaanaya xilli Somaliland ay dhawaan la gashay heshiis is-afgarad dawladda Itoobiya, kaas oo ku aadan in ay dowladda Itoobiya siiso saldhig ciidan oo saaran xeebaha. Arrinkaas wuxuu aad uga carreysiisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaana Itoobiya ku eedeysay in ay kusoo xadgudubtay madax banaanida dhulkeeda.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo dad kale oo ka faalooda siyaasadda arimaha dibadda ayaa qaba in heshiiskani faa’iido u leeyahay difaaca Soomaaliya.

Mursal Saneey oo ah Agaasimaha Machadka Heritage ee Soomaaliya, wuxuu aaminsan yahay in kani yahay heshiis lagu difaacaayo madaxbanaanida Soomaaliya.

“Turkigu wuu u heelanaa waligiis in uu Soomaaliya garab istaago” ayuu BBC da u sheegay Mursal. “Annaga dhankeenna ayuu gaabis ka jiray, heshiiskaana difaac badda oo keliya ma’aha dalka oo dhan baa u baahan cadawga nooc walba ah ee argagaxisada ah iyo banaanka jooga ayaa ah in dalka laga difaaco”

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa illaalinaayay Midowga Yurub tan iyo sanadkii 2012kii ayaa dad Sooomaaliyeed qaarkood is weydiinayaan sida heshiiskaan u saameyn karo shaqadii ay wadeen.

“Isma diidayaan [labadaan arrimood]. Dowladda Soomaaliya ayaana laga rabaa in ay iswaafajiyaan, Yurub iyo Turkiguna way isleeyahiin maadaama uu Turkigu kamidyahay ururka NATO,” ayuu qabaa Mursal.

Heshiiskan ayaa dhigaya mudada 10 ka sanno ah ee Turkigu ku sugnaanaayo xeebaha Soomaaliya in uu dhisi doono Ciidanka Difaaca Badda ee Soomaaliya. Tirada loo dhisi doono ee ciidamadaasi noqon doonaan ma cadda maadaama oo heshiisku uusan noqon mid baarlamaanku akhriyeen.

Xilidhibaanada qaar oo aan isku daynay inaan arrinkaan wax ka weydiino ayaanay noo suuragalin. Wariyaasha ayaa sidoo kale diba djoog laga dhigay kulanka baarlamaanka ee madaxweynuhu khudbadda ka jeedinayay.

30 September 2017, Turkiga waxuu ka dhistay Soomaaliya xarun ciidan tii ugu weynayd meel ka baxsan dalkiisa waxanaa kasoo qaybgalay furitaanka saldhigga Taliyahii Ciidamada Turkiga ee xiligaas Halusi Akar. Konton milyan oo Doolarka Marakanka ah lacag dhan ayaan ku baxday dhismaha saldhigaan.

Madaxweyne Erdugaan waxuu Soomaaliya yimid laba mar, sanadkii 2011 kii. Arrintan ayaana muujinaysa sida Soomaaliya boos muhiim ah uga joogto siyaasadda arrimaha dibadda ee Xisbiga Horumarka iyo Cadaaladda ee Turkiga (AK PARTi), sida ay qabaan dadka ka faalooda.

Heshiiskan oo sidoo kale ah mid xidhiid dhaqaale ay ku yeelanayaan Soomaaliya iyo Turkiga.

Turkiga, ayaa waxyaabaha sannadkii 2021 kii uu u soo dhoofiyay Soomaaliya ku kacayaan 347 Milyan, waxa ugu badan ee Turkigu Soomaaliya usoo dhoofiyayna Baastada oo sanadkaas oo keliya 108 Milyan oo doollar ku kacaysay.

Xigasho BBCSomali.com.