Shirkadda Diyaaradaha ISrael oo ka hadashay waxay kala Kulantay Hawada Somalia Diyaaraddeedu

Telaviv (aftahannews):- Diyaaradan oo sumadeedu ay tahay El Al Boeing 787-9, kana soo duushay Phuket ee dalka Thailand kuna wajahneed magaalada Tel Aviv ee Israa’iil, ayaa la sheegay in markii ay maraysay hawada Soomaaliyaay la kulantay khal-khal.

Shirkadda El Al ayaa sheegtay in shil ku dhacay mid ka mid ah duullimaadyadeeda oo dul maraysay hawada Soomaaliya aysan ahayn arrin amni, isla markaana aan lagu bartilmaameedsaneyn shirkadda diyaaradaha ee Israa’iil.

Sida lagu sheegay warka ka soo baxay shirkadda diyaaradaha Israa’iil ee Ynet, El Al waxaa khal-khal ku yimid raadiyaha diyaaradda, iyadoo shirkadu meesha ka saartay in falkaasi uu ahaa mid loola jeeday duulimaadkooda.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in arrintaan ay tahay waxyaabihii ay horey dowladda Soomaaliya uga digeysay ee dhinac hawada ah.

Qoraalka ka soo baxay El Al, ayaa lagu xusay in shilkaan aanu saameyn ku yeellan doonin duulimaadyada diyaaradaheeda.

Xigasho BBCSomali.com.