Somaliland oo Somalia ka Dalbatay in Meydka Dahable Hargeysa loo Soo Qaado

Hargeysa (aftahannews):- Xukuummadda Somaliland, ayaa dilka Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa Shaqaalaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya oo Meydkiisa xalay laga helay guri uu Muqdisho ka degganaa ku eedaysay Soomaaliya, waxaanay codsatay in Hargeysa la keeno Meydkiisa oo aan la siyaasadaynin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan, ayaa sheegay in dilka ay uga shakisanyihiin Hay’adda NISA iyo Hay’adda Duulimaadyada ee Soomaaliya, isagoo sheegay in xataa ay usoo hanjabaan shaqaalaha ka hawlgala Hay’adda Duulimaadyada Somaliland.

Haddaba, Shir Jaraa’id oo ay labada Masuul oo uu weheliyo Aabbaha Marxuumka dhalay Muuse Dahable, ayaa arrinkan kaga hadlay, waxaanannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-