Booliska Soomaaliya War ka Soo Saaray, Dadna u Xidhay Nin Meydkiisa laga helay Muqdisho

Muqdisho (aftahannews):- Cabdinasir Muuse Dahable, oo ka tirsanaa Shaqaalaha Hay’adda Maamulka Hawada Soomaaliya, oo Muqdisho ka hawlgalayey, ayaa xalay Meydkiisa laga helay gurigii uu ka dagganaa magaaladaas.

Sarkaalkan, ayay wararku sheegayaan inuu u geeriyooday jidh-dil loo geystay, inkastoo aanay jirin warar rasmi ah oo arrintaas xaqiijinayaa.

Booliiska Soomaaliya oo war kasoo saaray geerida Sarkaalkan, ayaa sheegtay in Lix Eedeysane soo xidhay dilka Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo 32-jir ahaa, kaas oo Meydkiisa laga helay hoygiisa.

Booliiska, ayaa sheegay inay sameeyeen baadhitaan, isla markaana ay hayaan caddeymo laga helay goobta uu falku ka dhacay. Sidoo kale, baadhis ayuu sheegay Booliska inay socoto lagu ogaanay xaqiiqada kiiskan.

Allaah ha u naxariistee Marxuumka, ayaa dhawaan ka soo laabtay waxbarasho dibedda ah oo la xidhiidha cilmiga Hagidda Hawada, isagoo hore uga mid ahaa Shaqaalaha Hay’adda ICAO qeybteeda Hargeysa intii aan Maamulka Hawada Soomaaliya kala wareegin, markii dambena ka mid noqday shaqaalaha Hay’adda Duulista Soomaaliya.

Warka Booliska Soomaaliya
Warka Booliska Soomaaliya