Golaha Wakiillada oo Ansixiyay Xeerarka Doorashooyinka, kana Jawaabay Qaylada Xukuumadda

Hargeysa (aftahannews):- Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerarka doorashooyinka, ka dib markii shalay Golaha Guurtidu soo ansixiyey.

Xeerka, ayaa lagu meelmariya sidii ay Guurtidu ugu soo gudbisay. Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerarka doorashooyinka Somaliland oo wali lagu muransanyahay, isla markaana Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo xubno Wasiirro ahi ka soo horjeesteen, ka dib markii shalay Guurtidu markii labaad ansixiyeen.

Guddoomiye Kuxigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay in xeerku uu dhaqangalyahay, haddii uu madaxweynuhu saxeexi waayo muddo 21 cisho ah, sida sharcigu dhigayo, uu Golaha Wakiilladu awood ku dhaqangalin doono, siduu sharcigu qabo, waxaanu u jawaabay Saylici iyo Wasiirrada ka soo jorjeestay meelmarinta Xeerarka doorashooyinka.

“Haddii uu saxeexi waayo madaxweynuhu intaannu saxeexno ayaannu faafin rasmi ah ku samayn doonnaa, waxaan leeyahay uma danaynaysaan Awdal intii shalay halkaa ka hadlaysay, waxay u socdaan in ay dadka reer Awdal iyo isbahaysiga ay isku dhuftaan” ayuu yidhi Cali Xaamud.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa isna guul taariikhi ah ku tilmaamay codadka aqlabiyada ah ee Golaayasha Wakiilada iyo Guurtida Somaliland ay ku meelmariyeen xeerka guud ee doorashooyinka.

“Qodobka sheegaya 20% maaha mid hada la curiyay, waa mid la sameeyay 2000, oo doorashadii 2002 lagu galay, 2012 kiina kaas ayaa lagu galay, maxaa cusub?” Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamee Abiib.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo saraakiil kale oo Awdal kasoo jeeda ayaa shalay diiday xeerka cusub, iyaga oo ka biyo diiday qodobka sheegaya in 20% codadka guud ay ururadu helaan si ay xisbiyo u noqdaan, waxayna rabaan in qodobka laga dhigo hal dheeri.

Golaha Guurtida, ayaa sidoo kale cod aqlabiyad ah xeerka ku meelmariyay shalay, Xukuummada, Xisbiga UCID, Ururka Hillaac iyo Ururro kale, ayaa doonaya codka hal dheeriga ah, halka Waddani iyo Kaahna ay rabaan 20% ka.