Somaliland Maxay ka Tidhi in Saraakiil Itoobiyaan ahi Dalka joogaan iyo Hirgelinta Heshiiska Badda?

Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in dhawaan heshiis rasmi ah loo beddeli doono heshiiska isfaham ee ay Itoobiya la gashay bilawgii January 2024-ka, isla markaana loo xilsaaray guddi aqoonyahanno ah oo dhammaystirkiisa ka shaqaynaysa.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan ‘Cali Mareexaan’ oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in heshiiskani uu wax ka tarayo xoojinta xidhiidhka iskaashi ee Somaliland iyo Itoobiya.
“Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin iskaashi ganacsi, mid amni iyo mid xiriir oo muddo soo jiray, wayna ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa arintaas” ayu yiri wasiir Cali Mareexaan.

Wasiirka, ayaa beeniyey in Saraakiil sare oo Itoobiyaan ahi ay ku sugan yihiin Somaliland, sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.  Balse wuxuu xusay inay jiraan Saraakiil sare oo Somaliland ah oo ku sugan Addisa Ababa, oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibedda DR. Ciise Kayd Maxamuud.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawaan magacaabay guddi aqoonyahanno, sharci-yaqaanno iyo diblamaasiyiin isugu jira oo uu hoggaaminayo Amb. Baashe Cawil, kuwaas oo ka shaqayn doono dhammaystirka heshiiska isfaham.

Wasiir Cali-Mareexaan, ayaa sheegay in heshiiska loo dhamaystiri doono sida ugu dhakhsaha badan kadibna la horgayn doono golayaasha sharci dajinta.

Somaliland, ayaa sheegtay in heshiiskani uu sababi dooni in Itoobiya ay u aqoonsato dal madaxbannaan, halka dowlada Soomaaliya ay ku tilmaantay madaxbannaanideedii oo lagu soo xadgudbay.