Waraysi 20 Sano ka hor Dhexmaray Israa’iil iyo Sarkaalka ay ugu raadinta badan tahay

Gaza (aftahannews):- Dabeecadda Yaxya Al-Sinwar, hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Marinka Qasa, oo Israa’iil ay u aragto maskaxda weerarkii dhacay 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore, ayaa badisay xiisaha wargeyska Ingiriiska ee The Times. kaasoo wareysi la yeeshay sarkaal hore oo ka tirsan nabadsugidda Israa’iil oo baaritaan ku sameeyay Al-Sinwar.

Wargeysku waxa uu warbixin dheer oo uu qoray qoraa George Grills ku yiri, “Hoggaamiyaha xagjirka ah ee Xamaas waxa uu dagaallami doonaa ilaa dhimashada”, mana jirto cid Israa’iil ka mid ah oo kaga aqoon badan Michael Coby oo 150 saacadood su’aalo waydiinayay in ka badan 20 sano ka hor.

Michael Coby, oo 78 jir ah, waa agaasimihii hore ee baaritaannada adeegga amniga gudaha ee Israa’iil ee Shin Bet, waxaa uu sharraxaya Yaxya Sinwar, isagoo leh, “Wuxuu lahaa indho dilaa ah… Wuxuu ii sheegay inuu jeclaan lahaa inuu dhinto isagoo shahiid ah intii uu wareysi bixin lahaa. ”

Al-Sinwar oo 61 jir ah ayaa lagu tiriyaa inuu yahay ninka loogu doonista badan yahay Israa’iil, iyadoo askarta Israa’iil ay ku qaybiyeen guud ahaan Qasa waraaqo ay ku bixinayaan abaal-marin lacageed oo dhan $400,000 qofkii keena xog horseedi karta in lasoo helo.

Toddobaadkan ayay ciidamada Israa’iil daabaceen muuqaal ay duubtay kaamirada loo yaqaanno CCTV-ga oo muujinaya qof qarsoon oo dhex lugeynayay godad hoose oo ay la socdeen dad u muuqda xaaskiisa iyo caruurtiisa, waxayna Israa’iil ku andacoonaysaa in ninkan uu u muuqdo in uu yahay Sinwar. Afhayeenka IDF Daniel Hagari ayaa yiri, “Waxaan go’aansannay inaan qabanno waana qabanaynaa.”

Kobe wuxuu sharxayaa in aysan jirin wax guul ah ilaa Israa’iil ay hesho Sinwar, isaga oo raaciyay, “Sinwar waligiis kama tagi doono Qasa, wuu dagaallami doonaa ilaa uu ka shahiido, wuxuu leeyahay mabaadi’ muujineysa in uusan waligiis is dhiibi doonin una carari doonin dalalka deriska ah sida Masar.

Sida laga soo xigtay Times, waxay Israa’iil ku tahay wax lala yaabo in dhakhaatiirta Israa’iil ay badbaadiyeen nolosha Sinwar oo ay buro ka soo saareen maskaxdiisa intii uu ku jiray xabsi ku yaalla Israa’iil 22 sano kahor, taas oo soo bilaabatay 1989-kii.

Sinwar waxa uu noqday madaxa ururka Xamaas sanadkii 2017-kii, waxa uuna ka badbaaday isku day dil oo Israa’iil ay u qorsheysay.

“Runtii wuu caqli badan yahay,” Kobe ayaa yiri. “Waa nin caqli badan, waligiis wax shucuur ah ma muujin, waligiis ma dhoola cadeyn, wuxuu ahaa xagjir aad u daran oo aad ugu han weyn hadafkiisa.”

Isaga oo ka hadlaya kulanka Kobe uu la yeeshay Sinwar, waxa uu yiri, “Waan ogaa in uu ahaa nin diin leh oo Qur’aanka xafidsan. Waxa aan u baahday in aan tuso in aan isaga kaga aqoon badanahay Qur’aanka”.

Markaa waxa uu garowsaday in fursadda ugu wanaagsan ee uu ku heli karo xogta ay tahay in uu la macaamilo aasaasihii Xamaas Axmed Yaasiin oo isna xabsiga ku jiray, kaas oo ahaa kii ugu horreeyay ee Sinwar qaatay garabkiisana ahaa.

Kobi waxa uu sheegay in uu ku amray Sheekh Yaasiin in uu soo saaro Fatwo uu ku waajibinayo ardaygiisa Al-Sanwar in uu si run ah uga jawaabo su’aalaha baaraha.

Natiijo ahaan, Al-Sanwar wuxuu bilaabay inuu qirto dilal xiriir ah.

Inkastoo lagu eedeeyay afar dil oo kaliya, Kobe wuxuu sheegay in Sinwar uu qirtay inuu geystay 12 dil, isagoo xabsiga ku jirayna uu sidoo kale gowracay saddex maxbuus oo kale isaga oo watay sakiimo qarsoodi ah si uu farriin ugu diro kuwa uu u arko in ay khiyaaneen.

Rabshadahaasi waxa ay Sinwar ku qasabtay in cidlo lagu hayo muddo sanado ah, laakiin muddadaas, waxa uu helay buugaag ku saabsan siyaasadda Israa’iil, oo uu u isticmaali jiray inuu barto Cibraaniga.

Kobe wuxuu sheegay in sirdoonka Israa’iil uu ka soo horjeeday “in Sinwar loola dhaqmo si gaar ah oo la siiyo waxa uu rabo,” laakiin Sinwar “wuxuu ogaa sida dadka loogu qanciyo inay la shaqeeyaan isaga.”

Yaxya oo ah ninka ugu sarreeya hoggaanka Xamaas ee Qasa waxaa loo arkaa in uu yahay hoggaamiyaha dhabta ah ee kooxda, iyo ninka labaad ee ugu awoodda badan Xamaas kadib Ismaaciil Haniyah, oo ah hoggaamiyaha guud ee kooxda, laakiin dibadjooga ah. Waxa uu ku dhashay xerada Koonfurta marinka Qasa ee qaxootiga Falastiin ee Khan Yunis sanadkii 1962-di, isaga oo daraasaadka Carabiga kaga takhasusay Jaamacadda Islaamiga ah ee Qasa. Saddex jeer ayaa la xiray – 1982, 1985 iyo 1988dii. Markii ugu horreysay waxaa la xiray isaga oo jaamacadda dhigta, halkaas oo uu ahaa hoggaamiyaha ardayda.

Xigasho BBCSomali.com