Dagaal Kulul oo Al-Shabaab iyo Ciidammada Itoobiya ku dhexmaray Gobolka Bakool

Rabdhuurre (aftahannews):- Dagaallo culus, ayaa Axaddii maanta gobolka Bakool ku dhexmaray Ciidammo ka tirsan Millateriga Itoobiya iyo Malleeshiyadka Al-Shabaab, sida mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Bakool xaqiijiyeen.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka  Bakool ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, ayaa la hadlay VOA Somali oo xaqiijiyey in dagaalkaasi dhacay gelinkii hore ee maanta, balse faahfaahin dheeraad ah may ka bixin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayaa la sheegay weerar gaadmo ah inay ku qaadeen laba kolonyo oo Ciidammada Itoobiya ka tirsan oo ka soo kala baxay deegaannada Yeed iyo Ceel-Barde, isla markaana u kala socday Waajid iyo Xuddur. Dagaalka culus, ayaa la sheegay inuu qabsaday Ciidammada Itoobiya ee u socday Waajid.

Dadka Deegaanka, ayaa sheegay in abbaaro 9-kii Subaxnimo ee saaka ay maqleen qaraxyo waaweyn oo ay daba socdeen qarax xooggan oo ka dhacay meel u dhow magaalada Rabdhuure ee gobolka Bakool, oo qiyaastii 20 km (12 mayl) u jirta xadka Itoobiya iyo Soomaaliya ee gobolka Bakool.

Sidoo kale, Dadka deegaanka ee warbaahintu soo xigatay waxay sheegeen in khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiraa ka dhashay dagaalka, balse aanay xaqiijin karin inta uu leeyahay khasaaruhu.

Al-shabaab, ayaa sheegtay inay weerareen Ciidammada Itoobiya meel u dhow degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool. 

Itoobiya, ayaa Soomaaliya ay ka joogaan Ciidammo ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Ciidammo kale oo ku jooga is afgarad ka dhexeeya dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay Ciidammada federaalka Soomaaliya iyo Shacabku kula jiraan Al-Shabaab.