Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo Wakiil u Magacaabay Dalka Kenya

Kismaayo (aftahannews):- Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe), ayaa magacaabay wakiil u fadhi doona dalka Kenya.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxwaynaha Jubaland, ayaa lagu sheegay in Sadiiq Cabdullaahi Bogale loo magacabay wakiilka Jubbaland u fadhin doona Kenya.

Hadda ka hor, Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa sheegay inuu isku dayay inuu wakiil u magacaabo Kenya, balse wuxuu sheegay inuu ka laabtay, isagoo ka fekerayay inaan loo arag inuu arrimihii dibbada ku haysto dowladda federalka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ma aha maamulkii ugu horreeyay ee federaalka Soomaaliya ka tirsan ee wakiil u magacaaba dalalka dibedda. Haseyeeshee, Maamullada Puntland iyo Koonfur-galbeed, ayaa sidaas oo kale wakiillo u magacaabay dalalka dibbeda, taasoo ka soo horjeedda Sharciga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya, ayaa xidhiidh dhaw la leh Maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland, waxaana loo arkaa in ay qeyb ka tahay siyaasadaha Axmed Madoobe muddada dheer ku joogo xukunka maamulka Jubbaland.