Taliska AFRICOM oo ka Hadlay Weerarro ay ka Caawinayeen Millateriga Soomaaliya

AFRICOM LOGO
AFRICOM LOGO

Muqdisho (aftahannews):-  Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM, ayaa sheegay inay kaalmo u fidiyeen hawlgal ay Ciidammada dawladda Soomaaliya ku qaadeen xubno sarsare oo ka tirsan Al-Shabaab toddobaadkii hore, kaas oo sababay dhimashada shan qof oo rayid ah.

Afhayeen u hadashay Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegtay in ciidamada Maraykanku aanay la soconin ama ku wehelinayn ciidamada Soomaaliya markii ay hawlgalka fulinayeen, hase ahaatee ay taageero u fidinayeen, iyaga oo aan goobta hawlgalka ku sugnayn (Remotely).

“Maraykanku ma aanay fulinin wax hawlgal ah oo dhinaca cirka ah, intii uu socday ama mid lagu taageerayey hawlgalkanba. Sidoo kale ma jirin ciidamo Maraykankan ah oo la socday ciidamada Soomaaliya, xilligii ay fulinayeen hawlgalka la dagaalanka argagixisada ee ka dhanka ahaa dagaalyahano sarsare oo ka tirsan ururka al-Shabab, oo ku sugnaa deegaanka Ceel-lahelay,” ayay ku tidhi fariin dhinaca emailka ah, Major Jessica Tait.

“Ciidamada Mareykanka waxay la talinayeen oo ka caawinayeen howlgalka ciidamada Soomaaliya si durugsan ama iyaga oo aan goobta ku sugnayn.”

Major Jessica Tait ayaa xaqiijisay in caruur Soomaaliyeed ay ka mid ahaayeen dadka ku dhintay dhacdadan.

“Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa muujinaysa in hal qof oo dumar ah iyo saddex caruur ah lagu dilay goobta,” ayay tiri Tait.

“Ka dib codsi ka yimid dawladda Soomaaliya, waxaa Taliska Ciidamada Afrika ee Maraykanku ay gurmad caafimad u fidiyeen laba caruur ah oo dhaawac ah, iyada oo midkood uu badbaaday”.

Ururka al-Shabab ayaa qoraal ay soo saareen September 7-deedii ku eedeeyey in ciidamada Maraykanku ay dileen dad shacab ah. Al-Shabab ayaa ku eedaysay in ciidamada Maraykanku ay qaateen meydadkii, si ay “u qariyaan” xaqiiqada dhacdadan.

Maraykanka ayaa beeniyey eedda ay soo jeediyeen al-Shabab.

“Eeddan ay faafiyeen al-Shabab, ee ah in ciidamada Maraykanku ay sababeen dhibaatada nasiib-darrada ah ee soo gaadhay dadka rayidka ahi, waa mid been ah” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay AFRICOM.

Tait ayaa sheegtay inaanu Maraykanku wax rasaas ah ridin, wakhti kasta oo ka mid ah, xilligii ay samaynayeen gurmadka ama daadguraynta caafimaad”.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay baadhayso dhacdadan.

“Dawladda Soomaaliya waxaa soo gaadhay wararka sheegaya in dad shicib ah ay waxyeello soo gaartay, waxaa socota baadhis lagu xaqiijinayo arrintaas” ayuu yiri Daa’uud Aways, Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya oo la hadlay Khamiistii VOA.

“Ma xaqiijin karno illaa haatan, inta laga dhamaystirayo baadhista” ayuu sii raaciyey.

Xigasho VOA.