Magacyada Soomaalida Siyaasadda u Xidhannaa ee Itoobiya Siiddeysay iyo Kuwa Hadhay

Addis Ababa (aftahannews):- Saacadihii lasoo dhaafay ee xalay illaa maanta, waxa baraha ay bulshadu ku xidhiidho si weyn loogu hadal-hayay warar sheegaya in la cafiyey dhamaan maxaabiista siyaasadeed ee Soomaalida ee ku xidhan magaalada Addis Ababa, kuwaas oo uu ku jiro Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Sida uu baahiyey Telefishanka Karamardha, Qareenka Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa Saxaafadda u sheegay 28kii bishii hore ee August, in Madaxweyne Cabdi iyo dhawr qof oo kale ay maxkamadda darajada 1aad ee federaalka Itoobiya ay u ogolaatay inuu iska difaaco eedaymo loo haysto, wuxuuna rajo fiican ka muujiyey in si degdeg ah loosii deyn doono.
Qareenka oo waqtigaas la hadlayay wargeyska Ethiopia Insider ayaa yidhi: “Waxa ka mid ah eedaymaha in ay dembi ka galeen dawladda iyaga oo hub sita iyo inay huriyeen dagaal sokeeye”
Qareenka ayaa waxa uu intaa ku daray in uu ka difaaci doono eedaymaha loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar oo uu xusay in qaarkood ay markhaatiyadu soo bandhigi waayeen caddaymo ku filan.
Iskandir oo ah qareenka Madaxweyne Cabdi, ayaa waxa uu waraysigaas ku xusay in lagu soo eedeeyey in uu galay dembi ka dhan ah dastuurka iyo nidaamka dastuuriga ah ee waddanku u shaqeeyo, hase yeeshee ay maxkamaddu diidday dacwaddan maadaama aanay jirin caddaymo buuxa sida markhaatiyo ama djhukumentiyo ay soo bandhigtay xeer-ilaalintu oo ku sallaysan arrintan.
Kiisaska kale ee loo haysto ayaa wax aka mid ah in Madaxweyne Cabdi uu abaabulay koox dhallinyaro ah oo uu u bixiyey Heego oo rabshado samaysay August 4, 2018, in la weeraray goobo ganacsi, goobo diimeed, xafiisyo iyo in la burburiyey hanti caddadkeedu gaadhayo 412.4 milyan oo Birr.
Haddaba saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxa baraha bulshada lasoo geliyey waraaqo ku saabsanaa maxaabiista oo qaarkood lasii daayey, kuwo kalena ay wali jeelka ku hadhsan yihiin.
Telefishanka Karamardha oo nuqullo ka mid ah qoraalladaasi soo gaadheen, ayaa waxa nuxurkoodu u qaybsanaa saddex qaybood oo maxaabiista la xidhiidhay oo u kala qaadayay sidan:
Qayta koowaad waxa lasii daayey, iyaga oo jeelasha ku jira, lalamana sugin in maxkamaddu qaraarka kama dambaysta ah gaadho, sababtoo ah waxa lagu waayey eedaymihii loo haystay.
Qaybta labaad, waxa la laalay dacwaddoodii iyadoo loo waayey markhaatiyo ku filan, sidoo kale waxa lagu qanci waayey eedaymihii loo jeediyey, waana la fasaxay. Waxa qaybtan ku jira masuuliyiin iyo dad magac ku leh deegaanka oo maqaneyaal ahaa.
Qaybta saddexaad oo uu ku jira Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida, waxa loo muddeeyey in maxkamaddu ka yeelato fadhi kale, iyadoo loo ogolaaday inay is-difaacaan.
Si kastaba ha ahaatee, Maxaabiista lasii daayey illaa hadda oo ay ku jiraan kuwo maqaneyaal ahaa ayaa ay xeer-ilaalintu shaacisay in la sii daayey, waxaanay kala yihiin
1 Abdi Mahad Maxamed Cabaase
2 Cabdirisaaaq Saxane Cilmi
3 Cabdi Nuur Maxamed TTC
4 Abdiwasac Ahmed Asnaaje
5 Sheekh Mukhtaar Suubane
6 Farxaaan Cabdi Maajuun
7 Axmad Cabdi Maxamed Ilkacase
8 Maxamuud Axmad Nuur Heeryo
9 Khadar. Abdi ismaaciill (Khadar Dheere)
10 Nuuradiiin Cabdulaahi Qayduub
11 Cabdi Qaadir Cumar
12 Cali Cabdi Ciiise
13 Kamil Cabdulaahi Haybe
14 Farxaaan Cabdi Maajuun
15 Guraaje Digaalle
16 Cabdi yare ahmed
18 Cabdulaahi ahmed Nuur (Cabdulaahi dheere).

Waxa kale oo hore xabsiga looga sii daayey , labada gabdhood ee Raxma Maxamuud Haybe iyo Hani-indho.
Maxaabiista kale oo ay tiradoodu tahay 22 qof oo uu ugu horreeyo Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa wali ay kiisaskoodu socdaan oo ay maxkamaddu u ballamisay fadhi kale oo ay isku difaacaan, waxaanay kala yihiin
1 Abdi Mohamoud Cumar
2 Maxamed Rashiid isaaaq
3 Abdijamaall ahmed Qalooonbi
4 ibraahim aadan Mahad (sacab )
5 Mahamed ahmed Nuur (Maame Dheere)
6Wardi Yuusuf Xirsi
7 Maxbuuub Xuseen ismaaciill
8 Maxamed Bashiir
9 Cabdulaaahi Yaasiiin
10 Cabdirisaaaq Cilmi shariif Biindhe
11 Warsame sheekh Cabdi Shaahid
12 Shanball Caydiiid Badall Raage
13 Mawliid Maxamed Raaabi
14 Najma Maxamed Cabdi (Najma Qalanjo)
15 Cabdiwasac Nuur
16 Xamse Cabdille
17 Maxamed Cabdi
18 Mustafe Xabiib Cali
19 Cabdi Xakiiim Carab Cabdi
20 Guulleed Coballe Daauud
21 Muuse Carab
22 Xasan Xuseen Nuur
23 Mulle Indhacase kabadhe.