Maxaa ka soo Kordhay Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida iyo Maxaabiista kale ee Addis Ababa?

Addis Ababa (aftahannews) – Xeer-ilaalinta Itoobiya, ayaa toddobaad ka hor qoraal ay soo saartay waxay Maxkamadda derajada koowaad ee Federaalka Itoobiya ugu sheegtay, in Maxaabiista Soomaalida ah ee ku xidhan Addis Ababa loo kala qaaday saddex qaybood.

Qayta koowaad waxa la sii daayey, iyaga oo jeelasha ku jira, lalamana sugin in Maxkamaddu qaraarka kama dambaysta ah ka gaadho, sababta oo ah waxa lagu waayey eedaymihii loo haystay.

Qaybta labaad, waxa la laalay dacwaddoodii, ka dib markii loo waayey Markhaatiyo ku filan, sidoo kalena lagu qanci waayey eedaymihii loo jeediyey, waana la fasaxay. Waxa qaybtan ku jira masuuliyiin iyo dad magac ku leh deegaanka oo maqaneyaal ahaa.

Qaybta saddexaad oo uu ku jira Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar, waxa loo muddeeyey in Maxkamaddu ka yeelato fadhi kale, iyadoo loo oggolaaday inay is-difaacaan. Weli lama sii deynin Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud iyo dhawr qof oo kale oo la xidhan.