ATMIS oo Ka Hadashay Wiil Soomaali ah oo Ciidankoodu dilay iyo Askari laga dhaawacay

Muqdisho (aftahannews):- Howlgalka Midowga Afrika ee ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya ee ATMIS, ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray Nin Soomaali ah oo Ciidankoodu dilay iyo Askari iyaga ka dhaawacmay, ka dib markii uu isku dayey inuu xoog ku galo Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Taliska ATMIS waxa uu warkiisa kaga hadlay dhacdo dhawaan ka dhacday Kidinka laga galo Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ATMIS, ayaa dilay Nin dhallinyaro ah oo ay sheegeen inuu doonayay in uu si xoog ah ku galo xerada Xalane.

Waxa ay sheegeen in uu toorrey ku weeraray Askari la sheegay in uu baarayay ninkaasi kadibna ay is af dhaafeen ama Ninku uu u hoggaansami waayay baadhitaanka.