Nairobi: Shirka Golaha Cimilada ee Dhallinyarada Afrika oo la Soo Gebo-gabeeyey

Nairobi (aftahannews):- Dalka Kenya waxa lagu soo gabagabeeyey Shirka Golaha Cimiladda ee Dhalinyarada Afrika, kaas oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo uu soo xidhay Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto, ayaa lagu soo bandhigay dhaq-dhaqaaqyada, hoggaaminta iyo hal-abuurka dhalinyarada afrikaanka ah ee wax ka qabashada cimilada.

Hoggaamiyayaasha da’da yar ayaa ka qayb-qaatay fadhiyo diirada lagu saarayey cadaalada cimilada, beeraha waara, tamarta dib loo cusbooneysiin karo, adkeysiga, iyo mawduucyo kale oo la xidhiidha cimilada.

Geesta kale, Dhallinyarada ayaa ansixiyey baaqa dhalinyarada Afrika ka hor inta aan la horgayn Madaxweyne William Ruto, baaqaasi oo ku saabsan aragtida dhalinyarada ee ku aaddan sinnaanta cimilada iyo horumarka waara ee Afrika.

Madaxweyne William Ruto oo shirkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in Afrika ay awood u leedahay in ay xoojiso dhaqaalaheeda iyo horumarkeeda, iyadoo la imanaysa xalal caqli-gal ah.