NISA oo Shaacisay inuu isu Soo Dhiibay La-taliyihii Hoggaanka Al-shabaab

Muqdisho (aftahannews):- Hay’adda NISA ee Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya, ayaa sheegtay inuu isu soo dhiibay Cabdiraxmaan Macalin Axmed oo ahaa xubin sare oo ka tirsan Malleeshiyada Al-shabaab.

Sida tebisay Warbaahinta dowladda Soomaaliya, Hay’adda NISA, ayaa sheegtay in 16-kii sano ee la soo dhaafay uu Cabdiraxmaan Macallin Axmed uu soo noqday La-liyihii hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Godane, kaas oo bishii 1-dii September 2014 lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyd ee Mareyku ka fuliyeen xeebta Baraawe.

Cabdiraxmaan Macallin Axmed balse Al-shabaab dhexdooda looga yaqaanno, Abuu-Saacid ama Shariif ayay NISA sheegtay in sidoo kale uu xilal kale ka soo qabtay Al-shabaab.

Xilalkaas ayey NISA sheegtay inay ka mid ahaayeen; Qaaddiga Maxkamadda Gobolka Banaadir, Qaaddiga guud Al-Shabaab, Madaxii Zakawaadka Gobolka Sh/Hoose iyo Ku-xigeenka Madaxii guud ee Zakawadka Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda NISA midkoodna ma sheegin halka uu iska soo dhiibay Cabdiraxmaan Macallin Axmed iyo halka uu waqtigan ku sugan yahay toona.