Maraykanka oo War ka soo Saaray Weerarro uu Ka Fuliyey Soomaaliya

Somalia (aftahannews):- Taliska Ciidammada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM), ayaa sheegay in duqeyn dhanka Cirka ah oo lagu bartilmaa-meedsaday kooxda Al-Shabaab ay fuliyeen degmada Jilib 20-kii bishan May, 2023 ee aynu ku jirno.
Sida uu sheegay Timothy S. Pietrack, ku xigeenka Madaxa Waaxda hawlaha guud ee AFRICOM, qiimeynta bilowga ah ee weerarkan ayaa waxay muujineysaa in duqeyntaasi la fuliyay iyadoo aan wax dhibaato ah loo geysan shacabka.
Lama sheegin bartilmaameedka gaarka ah ee weerarkan, inkastoo Jilib ay tahay xarunta ugu weyn ee ay ku sugan yihiin madaxda ugu sarreysa Alshabaab, ayna ku sugan yihiin ciidankooda ugu badan.

Taliska AFRICOM, ayaa weererkan May 20, 2023, ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo ku aaddan dedaallada joogtada ah ee Mareykanka iyo Xulafadiisu ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab, oo mas’uul ka ah falal badan oo argiggixiso oo ka dhacay gobolka.

Dowladdda Maraykanka, ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay tahay koox weli adkeysi leh, taasoo u baahan dedaal joogto ah oo Caalami ah, si ay uga hortagtaan khatartooda.