Dekedda Berbera oo Ka Horumartay Mombasa iyo Dekado Kale – Warbixin Cusub

Dunida (aftahannews):- Dekedda Berbera ee Somaliland, ayaa ka hormartay Dekedda wayn ee Mombasa ee dalka Kenya iyo Dekedo badan oo ka horraun jiray, balse ay hadda iyadu dhaaftay, sida lagu sheegay qiimayn uu sameeyay Baanka Adduunku.

Qiimaynta Baanka Adduunka oo lagu saleeyay xulashada Dekedaha ugu shaqada iyo habmaamulka fiican ee Afrika, ayaa waxa guul kasoo hooyay Dekedaha Jabuuti, Berbera iyo Dara-Salam oo kaalmaha ugu horreeya galay, halka Dekedda Mombasa ee Kenya tartanka lagaga guulaystay.“Waxaannu ku muteysannay shaqada aannu u qabannay Maraakiibta iyo adeegga aan u qabanno, sida dejinta, iyo rarista. Markaa, shaqada aannu qabannay ayaannu kaalintaa ku gaadhnay.” Sidaa ayuu yidhi Maareeyaha Dekedda Berbera Saciid Xasan Cabdillaahi oo la hadlay Idaacadda BBC.Warbixin ay BBC-du qortay, ayaa lagu sheegay in Dekedda Jabuuti oo keliyi ay ka horrayso Dekadda Berbera, isla markaana Dekadaha Port Elizabeth ee Durban iyo Cape Town ay ku sii xigaan. Dakadahan, ayaa ku soo baxay qiimaynta lagu sameeyay Dekadaha dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika.“Hagaajinta howl hufnaanta Dekeddu waxay lama huraan u tahay furitaanka korriinka iyo horumarka Afrika.” Martin Humphreys, oo ah hoggaamiyaha dhaqaalaha gaadiidka ee Bangiga Adduunka, ayaa sida u sheegay Wargeyska The East Afrikan.

Dekedda magaalada Berbera, ayaa lagu sameeyay horumarin ballaadhan, iyadoo shirkadda Dekedaha ee DPWORLD ay malaayiin doollar ku kharashgaraysay horumarinta Dekeddan ku taal goobta muhiim ka ah ee magaalada Berbera ee dalka Somaliland

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Dekadda Berbera ay noqotay Dekedda 2aad ee ugu wanaagsan Dekadaha Waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Tusmada Waxqabadka Dekeddaha Adduunka ee u Adeegga Kontaynarrada oo ah warbixin uu si sannadle ah u daabaco Bangiga Adduunka, ayey Dekadda Berberi 2022 ka gashay kaalinta 144. Taas oo ka dhigan in ay 40 kaalmood kor u soo kacday marka loo eego sannadkii 2021, kaas oo ay kaalinta 184 ku jirtay, halka ay sannadkii 2020 gashay kaalinta 245.

Berbera Port in development 2023
Berbera Port in development 2023

Dhinaca kale, Dekadda Berbera, ayaa kaalinta 2aad u gashay Dekadaha dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika. Halka ay sanadkii 2021 kaga jirtay kaalinta 7aad.