Hay’adda Xasaradaha Caalamka oo Ka Digtay Tallaabooyin ay wadaan Somaliland iyo Garaaddada Sool

Laascaanood (aftahannews):- Hay’adda Xasaradaha Caalamka ee International Crisis Group, ayaa ka digtay tallaabooyin ay Ciidammo cusub ku qoranayaan Somaliland iyo Dadka reer Laascaanood oo ay Garaaddadu hoggaamiyaan.

Waxay Hay’addu ku baaqday in dagaalka la joojiyo oo ay wadahadlaan Dowladda Somaliland iyo Kooxaha ka soo horjeeda ee dagaalladu ku dhexmatayaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo Nawaaxigeeda tan iyo bishii Febraayo 2023-ka, waxaanay ka Digtay.

Hay’adda xasaradaha Caalamka oo soo saartay warbixin ku saabsan dagaalka Laascaanood, ayaa ku baaqday in xabbadda la joojiyo oo wadahadal laysugu yimaaddo si dhaqso ah.

Warbixinta Hay’addu soo saartay ayey ku sheegtay in ujeeddada dagaalka ay ka mid tahay maamulidda magaalada Laascaanood iyo rabitaanka mustaqbalka siyaasadeed ee dadka deegaanka.

Warbixinta waxa lagu yidhi; “Ciidanka Somaliland iyo malleeshiyaadka Dhulbahante, ayaa ku dagaallamaya xukumidda Laascaanood. Dhulbahantuhu waxay rabaan in ay ku biiraan Soomaaliya, halkii ay qayb ka mid noqon lahaayeen qaran dhiska Somaliland, dhinacyadu waa in ay joojiyaan xabbadda oo ay u diyaar-garoobaan wadahadal.” 

Sidoo kale, Warbixinta oo sii socotay, waxaa lagu sheegay in dhinacyadu ay kordhiyeen amma laba jibbaareen dhaqdhaqaaqyada dagaal, isla markaana uu mid kasta qoranayo dagaalyahanno cusub, taas oo dagaalka ku fidin karta qaybaha kale ee gobolka Sool, dhaawicina kartana nabadgalyada dhibaatada loo soo maray ee Somaliland.

Waxa lagu soo jeediyey Warbixinta in si loo wadahadlo oo dhinacyadu ay matalayaal lagu kalsoonaan karo miiska u keenaan in Dhulbahante magacaabo guddi dheellitiran, dhinaca Somalilandna ay qabato doorashooyin si loo helo Xukuumad sharci ah.

Hay’adda Xasaradaha Caalamka, ayaa Warbixinta ku xustay in dhowr jeer Somliland ku dhawaaqday Xabbad-joojin hal dhinac ah, laakiin aanu dhinacna ixtiraamin.

Inkasta oo beesha caalamku hore marar badan dhinacyada u soo jeediyeen wadahadal iyo in dagaalka la joojiyo, haddana marna laguma guulaysan in la helo xal la isugu soo dhawaan kara amma dagaalka Laascaanood lagu joojiyo. Warbixintanina waxay imanaysa, iyadoo ay labada dhinac hanjabaado hawada u si marinayaan, dagaalkuna u muuqdo inuu sii xoogaysanayo.