Somaliland: 32-guurada Qaranka ee 18-ka May 2023 oo Si Weyn loo Xusay

Hargeysa (aftahannews):- Sannad-guurada 32-aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadda Qarannimada Somaliland, ayaa maanta si weyn looga xusay guud ahaanba dalkoo dhan iyo Waddamada dibedda qaarkood.

Dabbaal-deggga ugu weyn, ayaa ka qabsoomay caasimadda Hargaysa, halka Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo xubnno ka tirsan golayaasha Baarlamaanka, golaha wasiirrada iyo wufuud heer calami ah waxay fagaaraha loogu talogalay salaan sharaf kaga qaateen qaybaha kala duwan ee Ciidammada Qaranka.

Xafladda waxaa lagu soo casuumay madax ka kala socotay dawladaha Somaliland saaxiibka la ah, oo metelayeen Safiirro, Wakiillo iyo masuuliyiin kale, dalalkaasi waxaa ka mid ah Taiwan, oo saaxiibka ugu weyn ee Somaliland ah, Imaaraadka Carabta, Ethiopia, Kenya, Jabuuti iyo dalal kale.

Jidka hor mara madaxtooyadda Somaliland oo ah goobta uu Madaxwaynuhu salaanta ku qaatay,  waxaa iyagoo calanka ku lebisan soo maray qaybaha kala duwan ee shaqaalaha dowladda iyo masuuliyiinta degmooyinka.

Degmooyinka caasimadda Hargaysa, shaqaalaha wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, shaqaalaha rayidka ah, iskaashatooyinka gaadiidka ee kala duwan, ardayda wax ka barata dugsiyadda dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay qaarkood.

Waxa kale oo halkaas socod ku soo maray shaqaalaha muruq-maalka ajaanibka ah ee Somaliland ku nool, ama ka shaqaysta, oo ka soo kala jeedda dalal kala duwan, kuwaas oo dhamaantood ba ku lebbisnaa Calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Shaqaalaha ajaanibka ah, ayaa isugu jiray Macallimiin Somaliland ka shaqaysta, kuwaas oo ay si weyn uga dhex muuqdeen Jaaliyadda dalka Pakistan.

Sidoo kale, goobta uu Madaxweynuhu salaanta ku qaadanayay waxaa socod gaardis ah ku soo maray qaybaha kala duwan ee Ciidammada Millateriga, Booliska, Asluubta, Dam-demiska, ilaaladda Xeebaha iyo Saraakiishoodda.

Geesta kale, xaflado kale oo waaweyn oo lagu xusayo maalinta Qarannimada Somaliland, ayaa ka qabsoomay guud ahaanba gobolladda iyo degmooyinka dalka, gaar ahaana magaalooyinka waaweyn sida Burco, Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Gabiley, Oodweyne iyo qaar kale.

Waxaana munaasibadahaasi dadweynaha gobollada iyo degmooyinka dalka kala qaybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland, Guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee laga soo doortay gobollada, siyaasiyiin, madaxdhaqameed iyo mudanta kale ee bulshada ka midka ah.