Ciidanka Millateriga Somaliland oo Sharci lagu Hagayo la Hor-geeyey Golaha Wakiillada

Hargeysa (aftahannews):- Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur Gurruuje, ayaa fadhigii maanta ee Golaha hor keenay Sharciga Ciidanka Millateriga iyo Garsoorka Ciidammada oo aan Xeer shaqeeya oo ansaxa hore u lahayn.

Sharciga Ciidanka ee ay Guddigu soo curiyeen oo uu Xildhibaan Gurruuje ka hor akhriyey Golaha Wakiilada Somaliland, ayuu sheegay inuu ka kooban yahay 90 Qodob oo muhiim ah.

Xildhibaan Gurruuje oo faahfaahinaya Xeerkaas muhiimmaddiisa iyo nuxurka guud ee uu xambaarsan yahay, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-