Maraykanka oo Madaxweyne Biixi Kala Taliyey Diyaarinta Waddo Doorasho & Xallinta Dagaalka Laascaanood

Muqdisho (aftahannews):- Dowladda Maraykanka, ayaa sheegtay in ay Madaxweynaha Somaliland ku dhiirrigalisey in uu ka fogeeyo Ciidammada Laascaanood ku dagaallamaya, isla markaana uu jeexo jid sahlaya hannaan doorasho ku qabsoonto.

Qoraal uu ku baahiyayay bogga Twitterka ee Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayuu Safiirka Maraykanka ee Larry André Jr, ku sheegay in uu Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku dhiirrigaliyey in uu jeexo waddo doorashooyin lagu qabto iyo in uu Ciidammada Laascaanood ku dagaallamaya kala fogeeyo.“Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu awood u leeyahay inuu kala fogeeyo Ciidammada ku sugan Laascaanood iyo in uu ku dhawaaqo khariiradda doorashooyinka mustaqbalka. Wadahadal daacad ah oo aan galabta la yeeshay, waxaan ku dhiirrigaliyey inuu sameeyo labadaba.” ayuu qoraakiisa ku yidhi Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Danjire André.

Dagaalka Laascaanood oo bilaabmay lixda bishii Febraayo 2023-ka, ayaa weli taagan oo aan illaa hadda xal loo helin, iyadoo Beesha Caalamku ay marar kala dhawr ah ku baaqday in miiska wadahadalka lagu dhammeeyo xaaladda, isla markaana dedaallo dhexdhexaadineed oo ay samaysay Itoobiya ayaan guulaysan.

Sidoo kale, waxaan guulaysan Xabbad-joojin ay dowladda Somaliland ku dhawaaqday 10kii Febraayo iyo marar ka dambaysay. Taas oo ay jebinteeda Somaliland ku eedaysay Huwanta ka daallamaya magaalada Laascaanood, oo marar kala duwan soo weeraray fadhiisimmada Ciidanka Qaranka Somaliland ee Laascaanood iyo hareereheeda.

Haddaba, kadib dagaallo dhinacyada dhexmaray toddobaadadii la soo dhaafay xaaladda ayaa dagan muddo dhowr cisho ah, iyadoo Odayaal reer Muqdisho ahi ay isku dayayaan dhexdhexaadin. Geestooda Garaaddada Sool, ayaa sheegay in ay aqbaleen xabbad-joojin ay Odayaashu ka codsadeen.

Haseyeeshee, Dowladda Somaliland weli dhankeeda kamay hadal dhexdhexaadinta ay Odayaasha Soomaaliya ka yimi wadaan, iyadoo 26-kii bishan Maarso ku dhawaaqday in ay qaadayso weerarro qorshaysan oo ay kula dagaallamayso xoogagga Laascaanood kula dagaallamaya Ciidanka Qaranka Somaliland,  kuwaas oo ay Somaliland sheegtay in ka sokow Maleeshiyo-beeleedka reer Sool, ay kooxaha kale ka yimaaddeen Puntland, Al-shabaab iyo Ciidan Beeleedyo kale oo ka yimi Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo meelo Soomaaliya ka mid ah.