IGAD oo Caalamka ka Dalbaday Dhaqaale Wax lagaga Qabto Abaaraha Soomaaliya

Muqdisho (aftahannews):- Urur-goboleedka IGAD, ayaa Beesha Caalamka ugu baaqaya inay dhaqaale dheeri ah ku bixiyaan sidii loola dagaallami lahaa Abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Dr. Gebeyehu, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay US$1.6 Bilyan oo Doollarka Mareykanka ah si cunto iyo agab aan cunto ahayn loo gaarsiiyo bulshada ay abaaruhu saameeyeen iyo barakacayaasha.

Xoghayaha fulinta ee IGAD Dr. Workneh Gebeyehu ayaa sheegay in guud ahaan gobolka geeska Afrika ay soo wajahday caqabado aan hore loo arag labadii sano ee la soo dhaafay taas oo ay ugu wacan tahay abaar joogto ah oo daba dheeraatay.

Xaaladdu waxay keentay in wax soo saarkii dalaggii iyo xooluhu yaraado, taasoo keentay in cunto yari sii korodho.

Dr. Gebeyehu wuxuu sheegay in 47 milyan oo qof ay si aad ah u haysato cunto yari iyadoo 70 boqolkiiba ay ku nool yihiin Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

“Waxaan si dhab ah ugu baaqaynaa beesha caalamka inay naga caawiyaan ka hortagga masiibo bini’aadanimo oo weyn anagoo fulinayna kheyraadka loo baahan yahay si loo badbaadiyo nolosha iyo hab-nololeedyada muddada dhow, oo aan sii wadno maalgelinta dhisidda adkeysiga ee xilliga dhexe iyo mustaqbalka,” Dr. Gebeyehu ayaa yiri.

Abaaraha ka jira geeska Afrika sida uu sheegay Gebeyehu waxa ay keentay biyo iyo baad la’aan ba’an, waxa ku barakacay hal milyan oo qof, waxana ay sababtay dhimashada in ka badan 10 milyan oo xoolo iyo duur joog ah.

Wuxuu intaas ku daray in Kenya ay u baahan tahay $ 378 milyan si ay cunto, biyo, iyo tallaal u siiso gobollada ay dhibaatadu saameysey ilaa Oktoobar 2023 halka Itoobiya ay u baahan tahay $710 milyan si ay ugu taageerto baahiyaha muhiimka ah ee afarta bilood ee soo socda.

“Soo kabashadayadu waxay u baahan doontaa dhaqaale iyo waqti, waana inaan ka shaqeynaa sidii aan uga hortagi lahayn musiibooyinka mustaqbalka inay yeeshaan saameyno daran.” ayuu yidhi Dr. Gebeyehu.