Baardheere: Hooyo Saacado Umul ahayd oo Ka Mid ah Dadka ay Daadadku Saameeyeen

Baardheere (aftahannews):- Ayaan Maxamed Jaamac waxay umul ahayd wax ka yar 24 saac markii uu daad u soo galay gurigeeda qaar ka mid ah derbiyada guriguna kusoo dumeen iyada iyo caruurteeda.

Abaare todobadii iyo 40 daqiiqo fiidnimadii xalay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa ka da’ay roobab ma hiigaan ah kuwaas oo sida ay dadka deegaanku noo sheegeen ku bilowday si aan xawli ahayn balse gadaal kasoo weynaaday

Daadad uu roobku sababay ayaa geystay khasaare nafeed iyo mid maalba, waxaa dumay guryihii, waddooyinka ayaa go’ay illaa haddana dhimasho 4 qof ah ayey noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada oo aan qadka taleefanka ku wareysannay. Inta la ogyahay ilmo hadda dhashay ayaa sidoo kale lagu la’yahay kaas oo la qiyaasayo inuu biyaha ku dhacay.

Waxaa sidoo kale magaalada ka maqan korontada inkasta oo aan la xaqiijin Karin in roobabka iyo daadku wax yeelleeyeen iyo in ay maamulku goyeen si aanay dadka u laynin korantada oo biyaha haday qabsato dad badan dili karta.

Inkasta oo roobka magaalada dhexdeeda ku da’ay uu sababay daad, hadana mid ka mid ah dadka deegaanka oo aan wareysannay ayaa noo sheegay in biyaha ugu badan ay ka yimaadeen bannaanka magaalada oo ay laag soo qaadday taas oo magaalada dhexdeeda ku fatahday.

Dadka ay guryaha ku dumeen ayaa ku qaxay meelo magaalada uun ka mid ah oo aanay daadadku aad u saameynin illaa hadana ma jiro wax naloo xaqiijiyey oo ku baraka kacay meel ka baxsan magaalada Baardheere.

Dadka qaar iyaga oo hurda ayey guryaha ku dumeen waxaana dadkaas ka mid ah Ayaan Maxamed Jaamac oo ah hooyo umul ahayd 24-kii saac ee ugu dambeeyay, gurigeedana uu ku dumay iyada oo halkaas ku jirta.

Ayaan oo qadka taleefanka noogu warranatay ayaa noo sheegtay in gurigeeda oo dhagax ahaa dumay xilli iyada iyo caruurtuba ku jireen gudaha, “wax ii soo gurmaday malaha, biyihu waxay nasoo galeen 4 saac oo habeennimo, guryaha ayey noogusoo galeen darbiyahay dumiyeen, qolkii annagu aan ku jirnay umbuu ilaahay nagu badbaadiyey,” ayey tiri Ayaan.

Waxay sheegtay Ayaan in ay sariiro dhowr ah isu dul saartay caruurta si aanay biyuhu u qaadin iyaduna ay biyaha dhex taagneyd tan iyo intuu waagu ka baryayey xilligaas oo ay dad usoo gurmadeen kana saareen goobta, “biyahaan dhex joognay ilmahana sariiraa la isu kor saaray oo lagu celcelinayey”.

Mar aan weydiinnay in gurigeeda wax ka badbaaday, ayey Ayaan noo sheegtay in gurigeeda aanay waxba ka badbaadin siduu u dhammaana ay biyuhu qaadeen.

Sida ay noo sheegtay Ayaan, Wax khasaare nafeed ah masoo gaarin qoyskeeda kaliya waxay sheegtay in aqalkeedii burburay, alaabtii guriga iyo raashinkiina daadku qaaday. “Aniga wax qasare nafeed ah oo isoo gaaray ma jiraan, waxaa burburay guryihii iyo agabkii guryaha yaallay iyo raashnkii ciddu quudaneysay, qasaare noocaas ah mooyee wax qasaare nafeed ah nama soo gaarin.” ayey tiri.

Ayaan iyo caruurteeda oo markii uu waagu baryey lagasoo badbaadiyey aqalka ku dumay ayaa la geeyay xaafad ehelka ah oo ka baxsan meelaha ay sida ba’an u saameeyeen daadadku halkaas ayeyna hadda ku sugan yihiin sida ay noo xaqiijisay.

Umusha ayaa hadda wajaheysa xaalad aan xasilooneyn maadaama uu gurigeedii dumay meel loo laabtana aysan jirin in ay ilmaheeda nuujiso kuwa kalena quudiso looga baahanyahay.

Xigasho BBCSOMALI.COM.