Ciidammada Nabad-sugidda Soomaaliya oo Muqdisho Ku Toogtay Rag Hubaysan

Muqdisho (aftahannews):- Ciidammo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya, ayaa Maanta Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay rag hubeysnaa oo la sheegay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.

Raggaan toogashada ay ku dileen ciidanka Nabadsugida ayaa ahaa laba ruux oo ku hubeysnaa laba qori ayaa la sheegay iney ku handadayeen qaar ka mid ah ganacaatada Suuqa Bakaaraha.

Qoraal lagu daabacay warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay in sidoo kale ciidanka ay gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj ay ku howlgalayeen raga la dilay iyo Darawalkii waday Mooto Bajaajta.

“Ciidanka ammaanka, gaar ahaan kuwa Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Isgoyska Bakaaraha ku toogtay laba dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaasoo ku hubaysnaa laba qori, Sidoo kale ciidanku waxay gacanta ku dhigeen Mooto Bajaajta ay saarnaayeen Khawaarijtan iyo Darawalkii Mootada u waday” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey Warbaahinta Qaranka.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa xaqiijiyay in ciidamada NISA ay labada nin ee hubeysnaa ku dileen Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, hayeeshee aysan xaqijjin karin iney ka mid ahayeen Shabaab iyo in kale.

Xigasho Hiiraan.com.