Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Musallafay, Hanjabaadna Diray

Muqdisho (aftahannews):- Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS, ayaa musallafay, isla markaana dhaqaale la’aani soo foodsaartay waqtigan,  waxaanu ku hanjabay Midawga Afrika in Soomaaliya ay la wareegi doonto Al-Shabaab, haddii aan Ciidankoodu helin dhaqaale ku dhaw Boqol Milyan oo Doollar.

Midowga Afrika, ayaa dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo doollarka Maraykanka ah oo loogu talagalay Ciidammadooda nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo taageero siiya Ciidammada Millateriga Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Danjire Bankole Adeoye, oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amniga, ayaa sheegay in ka badan 19,600 oo Askari oo ka tirsan Midowga Afrika in aanay si sax ah u shaqeyn karin oo aanay caawin doonin Soomaalida haddii aan la buuxin farqiga dhaqaale ee jira xilligan.

Sannad ka hor, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, kaas oo loo yaqaan ATMIS, si uu u taageero Soomaaliya illaa ciidammadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka.

“Haddii Ciidammada Midowga Afrika aanay helin dhaqaale ay si hufan ugu howlgalaan 21-ka bilood ee soo socda ka hor xil-wareejinta, waxaa laga yaabaa in ay la macno tahay in Al-Shabaab ay ugu dambeyntii la wareegi doonto mas’uuliyadda Soomaaliya.” ayuu yidhi Adeoye.

Waxa uu sheegay in sababta ugu muhiimsan ee dhibaatada dhaqaale ee Midowga Afrika ay tahay 60 milyan oo doolar oo Midowga Yurub laga jaray maalgelinta sababo la xiriira danaha iska soo horjeeda.

Adeoye ayaa ka qayb galay kulan heerkiisu sareeyo oo ay la yeelatay wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay kaas oo ku saabsanaa maalgelinta ATMIS-ka kadib markii uu la hadlay warfidiyeenka. Wuxuu rajo ka muujiyay in dhammaan dalalka ay gacan ka geystaan buuxinta farqiga dhaqaale ee $89 milyan ah, gaar ahaan dalalka Khaliijka, caalamka iyo Midowga Yurub.

Waxa uu intaas ku sii daray oo sheegay in dhaqaale la’aan ay saameyn doonto xilliga ay ka baxayaan Ciidammada Midowga Afrika dalka Soomaaliya.